Advertisements

Madaxweyne Shariif oo Si fiican u soo dhaweeyey Sanduuqa dhaqaalaha Soomaaliya.

 Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya ayaa wuxuu Xalay Shir jaraa`id ku qabtay magaalada Istanbul ee dalka Turkey wuxuuna ka hadlay sida uu dhacay Shirka Istanul, sidoo kale wuxuu si aad ah u soo dhaweeyey Sanduuqa Dhaqaalaha ee ay beesha Caalamku ugu talagashay in lagu kobciyo dhaqaalaha Soomaaliya.

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa wuxuu shirkiisa jaraa’id kaga  hadlay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay sameyso Kobac dhaqaale, isagoo sheegay in uu soo dhaweynayo Sanduuqa dhaqaale ee ay Soomaaliya yeellaneyso 20 Augusto kaddib.

Sheekh Shariif waxa uu tilmaamay in uu ku Kalsoon yahay in Soomaaliya ay ka faa’ideysan doonto fursadda ay dhaqaalahooda ku soo ceshanayaan, isla markaana ay Soomaaliya marxalad cusub galleyso, taasi oo taariikhda dalka ku biiri doonto haddii ay u dhacdo sida qorshuhu yahay.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxu hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliya ay qaadaneyso kaalinta uga aadan midnimada umadda Soomaaliyeed, haddana ay ku howllan yihiin sidii ay heshiis midnimo qaran ula gali lahaayeen maamullada dalka ka dhisan, oo uu xusay in muhiimaddooda ay leeyihiin.

Madaxweyne Sheekh Shariif oo arintaas ka hadlayey wuxuu yiri: “shacabka Soomaaliyeed waa kuwa ku baraarugay dadaalka socda iyo sida beesha caalamka u garab taagan tahay, sidoo waxaa jira in hadda dalka ay ka socdaan ololle ku aadan Maalgashi, waana mid caawin doonta Sanduuqa dhaqaalaha Soomaaliya loo sameeyey”.

Balse Madaxweynuhu wuxuu ku cel celiyay in Sanduuqa dhaqaalaha loo sameynayo Soomaaliya uu ka qeyb qaadanayo Kobcinta dhaqaalaha dalka, sidaas darteed ay noqon doonta mid ay ka faa`ieystaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

SomaliSwiss   Istanbul

SomaliSwiss@htmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: