Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo sheegay in hadafka ciidanka uu yahay in ay burburiyaan looses Al-Shabaab.

 Taliska ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ugu hambalyeeyay ciidammada Xoogga dalka qaabka xeeladeysan ee ay Al-Shabaab uga saareen degmada Afmadow, isagoo shacabka Soomaaliyeed ay kula dardaarmay in ay ku Kalsoonaadaan ciidammadooda.

Sidoo kale Taliyaha ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guud C/qaadir Sheekh Diini oo Warbaahnta la hadlay ayaa sheegay in ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay muujiyeen awoodda ay u leeyihiin inay buburiyaan Al-Shabaab, kana  ciribtiraan gobollada ay dhuumaalleysanayaan.

Sarreeye Guud C/qaadir Sheekh Diini wuxuu ciidammada Xoogga dalka ugu hambalyeey sida wanaagsan ee ay uga saareen Xarakada Al-Shabaab, deegaanada degmada Afgooye, wuxuuna sheegay in ciidammada uu hadafkoodu yahay in guud ahaan dalka Soomaaliya ay ka difaacaan kuwa cadowga.ku ah Shacabka Soomaaliyeed

Ugu danbeyntii Sarreeye Guud C/qaadi Sheekh Cali Diini wuxuu shacabka ku nool degmada Afmadow ku boorriyay in ciidammada Xoogga ay ka gacan siiyaan difaaca dalka, isla markaana ay ku Kalsoonaadaan, si ay u hellaan adeegyadii ay dowladda Soomaaliyeed ugu talagalshay shacabka.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: