Xog’hayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban ki Moon oo sheegay in shirka Istanbul uu wax badan ka badali doono rajada iyo aayaha Soomaaliya.

Xog’hayaha guud ee Q,M Ban ki Moon ayaa sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo in qodobo muhiim ah ka soo baxaan shirka Turkiga ee arrimaha Soomaaliya ku saabsan .

Sidoo kale Ban Ki Moon ayaa xusay in shirka Istanbul uu wax badan ka badali doono rajada iyo aayaha Soomaaliya, wuxuuna si gaar ah u xusay in shirkan lagu wado inuu ka soo baxaan go’aano looga gudbayo marxalada ay hadda Soomaaliya ku jirto.

Xog’hayaha guud ee Q,M oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Waxaan uga mahadnaqayaa dawlada Turkiga dadaal faraha badan ee ay ku bixinayso sidii ay Soomaaliya uga bixi lahayd dhibaatada ay ku jirto waxaana ku rajo weyn nahay in shirkaan uu noqdo mid Soomaalida u horseeda hormar”.

Dhanka kale Xoghayaha guud  ee QM wuxuu sheegay in Soomaaliya dhawr jeer loo qabtay shirar badan haddase ay haysato fursadii ugu mudneyn inay cagaheeda isku taagto iyadoo laga tashan doono marxalada dalku galayo.

Si kasta ha ahaatee Ban ki Moon ayaa lagu wadaa inuu maanta furo shirka magaalada Istanbul kaasoo ay ka qeyb galayaan madaxda wadamo caalamka ah iyo kuwa Soomaalida.

SomaliSwiss    Istanbul

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: