Website-yadii xarakada Al-Shabaab oo bilaabay in ay dafiraan in kooxdaasi lahayd, markii qaarkood hawada laga saaray.

Qaar ka mid ah Website-yadii xarakada Al-shabaab ayaa hawada laga saaray, ka dib markii lagu qaaday weerar xooggan oo sababay in afka ciidda loo daro, halka laba website oo hadda fara ciida leh ku taagan ay sheegeen in aysan metelin una shaqeyn xarakada Al-Shabaab.

Labada Website ee ugu waaweyn warbaahinta Al-shabaab ee Somalimemo ayaa bilaabay in ay wararka Hoostooda ku qoraan ogeysiis-yo ay ku sheegayaan in aysan Al-shabaab lahayn oo ay ka madax banaan yihiin si ay uga badbaadaan dagaalka lagu xirayo webabkaas oo gabowsi maraya.

Farriinta lagu soo qoray website-yadaas ayaa ka dambeysay markii afka ciidda loo daray, Webebkii xarakada Al-Shabaab ee Andaluus iyo Alfurqaan’halka sidoo kalena ay naf dhici weysay ku jirto webkii Amiir Nuur oo hadda bixinaya calaamado muujinaya inuu xirmi rabo.

Website-yada hadda nool ee Al-Shabaab oo intooda badan caalamka oo dhan laga yaqaan, waxay ahaayeen kuwii ugu cimriga dheeraa ee in muddo ah kooxda u shaqeeynayey, iyadoo sababtu ahayd in aysan faafi jirin Muuqaalladii kooxda looga bartay ee khatarta lagu galinayey dhallinyarada, halka ay xoogga saarayeen qoraal iyo mararka qaarkood codad.
Sidoo kale, waxay u muuqatay, in loo baahnaa ilo lagala socdo wararkooda Probagaanka ahaa, iyadoo ay hadda muuqato, in maadaama aysan kooxdu sal adag ku taagneyn oo gabalkoodu sii dhacayo, hadda la doonayo in afka ciidda loo daro.

SomaliSwiss Monitoring Desk
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: