Shirkii Arimaha Soomaaliya ee Istanbul oo si rasmi ah u furmay iyo hadallo furitaankiisa laga jeediyey.

Shirka arrimaha Soomaaliya looga hadlayo ee Istanbul oo goor dhow furmay ayaa waxaa hadallo kala duwan ka jeediyey masuuliyiin ka kala tirsan dowladda Soomaaliya iyo Turkey, Ra’isul wasaare ku xiggeenka Turkey Baker Bostog, ayaa ugu horeyn ka  hadlay waxa uuna  sheegay in Soomaaliya gaartay waddadii ay uga bixi lahayd dib u dhaca, isla markaana ay ku gaari lahayd heerkii looga baahnaa.

Sidoo kale Mr. Baker Bostog ayaa tilmaamay in dowladda Turkey ay qaadaneyso doorkii looga baahnaa, oo ay sii wadi doonto taageerrada ay la garab taagan  walaalaha Soomaaliya, isagoo sheegay in uu shirkan ka rajeynayo in uu noqdo midkii ugu dambeeyay ee ay Soomaalidu  uga bixi lahayd KGM iyo dib u dhaca.

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya oo isna furitaanka shirka Istanbul ka hadlay ayaa ugu horeyn uga mahad celiyay dowladda Turkey sida wanaagsan ee ay u marti galineyso shirkan muhiimka ah ee aayaha Soomaaliya looga hadlayo, isagoo sheegay in ay ku dadaali doonaan sidii umadda Soomaaliyeed la isugu keeni lahaa, isla markaana ay u hiigsan lahaayeen horumar.

Shirka ayaa hadda si toos ah u socda, waxaana ka soo qeyb galay dhammaan dhinacyadii lagu marti qaaday, iyadoo qeybta hore ee shirka maanta diiradda lagu saarayo arrimaha bini’aadannimada iyo horumarrinta shacabka Soomaaliyeed iyo dalkaba.

Qeybta dambe ee shirka berri ayaa isna looga arrinsan doonaa siyaasadda guud ee Soomaaliya, kaasi oo ugu dambeyntii laga soo saari doono qodobbo wadajir ah oo ay Soomaalidu ku heshiiso, caalamkuna uu raali ka yahay.

SomaliSwiss Istanbul

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: