Maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab oo bilaabay in ay isaga baxaan Degmada Balcad

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku sugnaa degmada Balcad ayaa bilaabay in ay faaruqiyaan magaaladaas,iyagoo ka qalab uruursanayey shalay ilaa xalay, markii sida la sheegay ay ka cabsadeen in ay ku go’doomaan degmadaas oo ay jirto wado ka soo gasha dhinaca qorrax dhac taas oo ka timaada dhanka Afgooye.

Dadka ku dhaqan degaanka Balcad ayaa SomaliSwiss u xaqiijiyay in ay arkeen shalay iyo xalay, inta badan maleeshiyadii Al-Shabaab oo isaga baxaya magaaladaas.

Warar kala duwan oo laga helayo Balacad ayaa sheegaya in Maleeshiyadu qabatay dhanka degmada Jowhar oo ay magaalada uga baxeen, inkastoo aan la hubi karin, halka saxda ah ee ay ku wajahnaayeen.

Ma jiro qorshe ay maanta iyo bari ku gaarayaan ciidamada AMISOM degmada Balcad, waxayna dadka deegaanku ka cabsi qabaan nidaam darro ka dilaacda degmadaas haddii ay wada faaruqiyaan maamulkii gacanta ku hayey ee Al-Shabaab, isla markaana aysan gaarin ciidamada dowladda KMG ah.

Jabka ururka Al-Shabaab ayaa ku socda si xowli ah, waxayna maleeshiyaadkoodu si is daba joog ah ugu soo biirayaan ciidamada dowladda, waxayna shacabkii deganaan jiray Ceelasha Biyaha maalin walba ku arkaan suuqa Bakaaraha in badan oo ka mid ah maleeshiyaadkii Al-Shabaab ee ku dhibi jiray Ceelasha oo markii ay ka goosteen Al-shabaab ka dib, hadana xiran tuutaha cagaaran ee ciidanka booliiska dowladda oo qoryo la taagan gudaha Bakaaraha, ka dib markii tababar iyo dhaqan celin ka dib dowladdu qarameysay, taas oo u muuqan karta tilaabo qatarteeda leh, markii dhinacyo kala duwan laga eego.

SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: