Advertisements

Cali Dheere oo sheegay in ay soo weerareen NATO iyo Yuhuud, Soomaalidana ka dalbaday taageero ah Boqolkiiba Labaatan kaliya.

Cali Maxamuud Raage ( Cali Dheere) ayaa fariin uu jeediyay oo xalay laga sii daayey idaacad ay Al-Shabaab leeyihiin oo ku rakiban magaalada Marka waxa uu ku calaacalay in ay soo weerareen oo ay xarakadiisu la dagaallamayaan wax uu ku tilmaamay cadow fara badan oo uu sheegay in ay dalalka Afrikaanka ka sokoow ku jiraan NATO iyo YUHUUD. DHEGAYSO HADALKIISA

Cali Dheere oo hadal dheer ka jeediyay raadiyahaas o ayaa shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday in ay kooxdiisa siiyaan taageero boqolkiiba labaatan kaliya ah, waa sida uu hadalka u dhigaye, isagoo dhinaca kalena ku goodiyey in aysan taasi ahayn isxaan ee ay waajib ku tahay shacabka Soomaaliyeed dhamaantood in ay dagaalka Al-Shabaab ku jirto ka qeyb qaataan.

Cali Dheere ayaa sheegay in Ciidamadda dowladda iyo kuwa Amisom ay si weyn u soo dhoobteen Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, isla-markaana wuxuu sheegay in xilligaan ay halkaasi ka sameysteen sida uu sheegay difaacyo waaweyn.

Wuxuu si gooniya ula hadlay shacabka reer Muqdisho oo uu ku beer jilicsaday in aan weligood dagaal looga guuleysan, hadana ay tahay in ay garab istaagaan Al-shabaab, isagoo dhinaca kalena si gooniya guud ahaan Soomaalida uga dalbaday in ay Al-Shabaab garab siiyaan boqolkii labaatan (20%) kaliya.

Cali Dheere ayaa ugu dambeyn sheegay in Xarakada Al Shabaab ay ka go’an tahay in ay sii wadi doonaan dagaalada ay kula jiraan in Soomaaliya ay dowlad ka dhalato, isagoo ku hanjabay in ay xabada ridi doonaan tan iyo inta uu ka dhimanayo kan ugu dambeeya. HALKAAN KA DHEGAYSO HADALKIISA.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: