Advertisements

Qaar ka mid ah Maraakiibtii dagaalka Soomaaliya oo lagu xaraashayo dalka Yamen.

Halkaan ka akhri

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen ayaa shaaca ka qaaday in lagu soo war galiyey in lala wareegi doono Maraakiib dagaal oo ay dowladda Soomaaliya leedahay,  kaddib markii la sheegay in lagu leeyahay lagac fara badan, haddii aan muddo Todobaad ahna lagu bixin lacagtaasi gabi ahaanba Maraakiibta la xaraashi doono.

Qunsulka Safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Yemen Xuseen Xaaji Axmed oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in looga yeeray maxkamadda darajada hoose ee dalka Yemen kaddibna lagu war galiyay in muddo Todobaad gudahooda lala wareegi doono Maraakiib dagaal oo ay leedahay dowladda Soomaaliya, haddii aan si deg deg ah loo bixin lacaggaha lagu leeyahay.

Waxa uu sheegay in maxkamaddu ay u sharraxday sababaha loogu yeeshay Maraakiibta Soomaaliya lacagaha  hadda lagu heysto, isagoo intaa raaciyay in la go’aamiyey in muddo gaaban  arrintaasi lagu kala baxo haddii kalena la xaraashi doono Maraakiibtaasi.

Dhinaca Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen ayaa tilmaamay in  Maraakiibta sannadkii hore laga joojiyay dhaq dhaqaaqii ay sameyn jireen, waxa uu intaa raaciyay in muwaadiniin Yemen u dhashay  ay sheegeen in ay Maraakiibta Soomaaliya lacaggo badan ku yeesheen xilli ay wakiil ka noqdeen iyaga oo howllo shaqo ka heysta dalka Yemen.

SomaliSwiss NewsDesk

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: