Magaalada Kismaayo oo ay maanta ka jirto cabsi dagaal, iyadoo Shalay ilaa Xalay lagu garaacay Madaafiic.

Bulshada ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa saakay xaalad wel wel ah ku waabariistay, xilli xalay duqeyn xooggan ay ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Sida ay ku soo warrameen dadka deggan anka magaalada Kismaayo ayaa waxay sheegeen in malleeshiyaadka Xarakada Al-Shaaab ay soo wajahday cabsi xooggan oo dhinaca ammaanka ah, kaddib markii shalay iyo xalay duqeymo xooggan oo siyaabo kala duwan loogu weerarray magaalada Kismaayo.

Madaafiic ayaa lagu garaacay xarun ay ku sugnaayeen malleeshiyaad iyo horjooggayaal ka tirsan Al-Shabaab, iyadoo ay madaafiicdaasina ay khasaaro kala duwan uu ka soo gaaray malleeshiyaad adii halkaasi ku sugnayd.

Sidoo kale magaalada Kismaayo oo hadda ka mid ah magaallooyinka Istaraatiijiga ah midda kaliyah ee Al-Shabaab gacantooda ku hartay, ayaa waxaa lagu garaacay dhowr Gantaal oo dhinaca badda laga so tuuray, taasi oo jahwareer u riday Al-Shabaab.

Xaaladda magaalada Kismaayo ayaa ah maanta mid aad u kacsan, waxaana la so sheegayaa in uu Hakad galay dhaq dhaqaaqyada Ganacsiga iyo dadweynaha, sidoo kalena malleeshiyaadkii ku sugan magaalada ayaa billaabay in ay isugu uruurraan xaafaddaha shacabka, maadaama saldhigyadoodii duqeymo loo geystay.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ay ka jirto haddal heyn ku aadan in ay ku soo wajahan yihiin magaalada Kismaayo ciidammada Xoogga dalka Soomaaliya, taasina ay niyad jab u keentay malleeshiyaad Al-Shabaab.

SomaiSwiss     Kismaayo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: