Madaxweyne Shariif iyo wafdigii lasocday oo uu kamid ahaa Madaxweyne Tiiceey oo kusii jeeda Istanbul.

Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Dawladda KMG Soomaaliya ayaa barqanimadii maanta ka duulay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Madaxweyne Shariif iyo wafdigiisa oo ay ka mid yihiin Mas’uuliyiin ka kala tirsan Barlamanka iyo Golaha Wasiirada iyo waliba madaxweynaha maamul-goboleedka Ximan iyo Xeeb ayaa waxaa ay ku sii wajahan yihiin magaalada Istanbuul ee cariga Turkiga, oo la filayo in maanta gelinka danbe lagu soo gaba gabeeyo shirkii odoyaasha dhaqanka maalmahan halkaa uga soconayay, iyadoo isla barina uu furmayo shirweynihii caalamiga ahaa ee loo balansanaa, loogana hadlaayay arimaha Soomaaliya.

Madaxweyne Shariif ayaa la filayaa in xiritaanka shirkaas inuu khudbad ka jeediyo iyadoo odoyaasha halkaa isugu tageyna ay ka hadlayeen habka dawlad wanaagga iyo qaabka dib u heshiisiinta oo odoyaashaas qaab siminaar ahaan halkaa loogu siinayay.

Shirweynaha Soomaaliya ayaa sida la filayo waxaa ka soo qayb galaya ilaa lixdan Dawladood ee caalamka ka kala socda iyo xoghayaha guud ee qaramada Midoobay iyadoo warar hoose oo aynu heleynana ay sheegayaan in shirkaas caalamiga ah ee Arrimaha Soomaaliya looga hadlayo iyadoona ay suurta gal tahay sidaha xogaha hoose ay sheegayaan in Road Map kale oo cusub halkaa lagu abaabulo.

Dawladda Turkiga ayaa mudaba ku hawlaneed  arrimaha Soomaaliya gaar ahaana wixii ka danbeeyay gurmadkii ay ka gashay Macluushii ka dhacday Soomaaliya kal hore iyadoo intaas wixii ka danbeeyayna uu Turkigu Spoomaaliya ka bilaabay Barnaamijyo horumarineed.

Si kastaba Dawladda Turkiga ayaa muddaba la hadal hayay in ay waddo Barnaamijyo ay ku kulansiinayso Kooxaha isaga soo hor jeeda Siyaasadda Soomaaliya taasoo iminkaba ay muuqanayso saan saankeeda iyadoo warar horena ay sheegayeen in qaar ka mid ah Dhaq dhaqaaqa Shabaab Saraakiishooda ay ka qayb galayaan shirkaas.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: