Horjoogihii Maxkamada kooxda Al-Shabaab ee degmada Afgooye oo ay ciidammada dowladda gacanta kusoo dhigeen.

Ciidammada ammaanka ee Soomaaliya oo weli howlgallada nabad sugidda ka wada degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose ayaa gacanta ku dhiggay horjooggihii Al-Shabaab uga qaabilsanaa dhinaca Maxkamadda degmada Afgooye oo halkaasi ku dhumaalleysanayay.

Sida ay  soo sheegeen Rag ka tirsan Saxaafadda oo ku sugan goobaha dagaallada ay ka socdaan ee nawaaxiga degmada Afgooye ayaa caddeeyey inay indhahooda ku soo arkee horjoogihii Al-Shabaab u qaabilsanaa dhinaca maxkamaddeynta ee lagu magacaabo Sheikh Cusmaan, kaas oo ay Ciidamada Amaangacanta ku soo dhigay hadda ku jira gacanta ciidammada Nabad Sugidda qaranka Soomaaliyeed isla markaana uu kala sheekeystay dhaqamadii uu shacabka Afgooye kula dhaqmi jiray, waxa uuna sheegay in hadda uusan ka hadli Karin arrintaasi oo uu codsaday in laga daayo, maadaama aysan shaki ku jiran dambiga uu galay.

Dhanka kale waxaa lagu soo warramayaa in halka lagu haayo Horjoogge Sheikh Cusmaan ay saakay soo buux dhaafiyey shacabka degmada Afgooye, kuwaasi oo ka andacoonaya inuu u geystay dhibaayada ee la xiriira xukunnadii foosha xumaa ee uu umadda kula dhaqmi jiray.

Si kasta ha ahaatee dadkii soo gaartay xarunta lagu hayo  horjooggaha Al-Shabaab ayaa ciidammada ammaanka sheegay in ninkan uu si xun u dhibaateeyey dad badan oo Shacabka reer Afgooye ka mid ah,  waxayna ka codsadeen in qofkan la horkeeno cadaallada.

SomaiSwiss     Afgooye

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: