Al-Shabaab oo dib u soo buuxiyey deegaanada Ceelasha biyaha, Garas Baaleey iyo Xaawo Cabdi.

XOG HOOSE OO FAAHFAAHSAN

Halkaan ka akhri

Dad badan baa maqlay in ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ay qabsadeen oo ka saareen Al-Shabaab inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye, gaar ahaan degaanada Garasbaaley iyo Ceelasha Biyaha, laakin xaqiiqadu sidaas mawada aha oo weli waxaa jira waxyaabo kale oo aan hore loo ogeyn ama is bedelay.

Daraasad ay sadexdii maalmood ee la soo dhaafay siyaabo kala duwan u wada sameeyeen, saxafiyiin ka tirsan SomaliSwiss iyo Wadanka ayaa xaqiijineysa halka saxda ah ee la kala joogo iyo haddii uu jiro amaan sax ah oo la isku haleyn karo inta u dhexeysa ama wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye iyo deeganada ku xeeran.

Dhacdadii shalay lagu weeraray kolanyadii galbineysay madaxweyne Shariif Sh. Axmed ayaa ahayd mid ka mid ah 11 dhacdo oo halkaas laga fuliyey, saddexdii maalmood ee la soo dhaafay, taas oo noo sahashay inaan aqristayaasheena u soo bandhigno goobaha ay wali ku sugan yihiin Al-Shabaab, waxaana filaynaa in ay fahmi karaan ama rumaysan karaan dhegaystayaasheenna goobaha aan sheegi doonno in ay ka taliyaan weli kooxda Al-Shabaab, haddii ay dowladdu sidaas ula socoto iyo haddii kaleba.

Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, Haddii aan wax yar ka tilmaano goobaha ay ku kala sugan yihiin labada dhinac ee colaadu u dhaxeyso, ciidamada dowladda iyo AMISOM waxa u furan wadada Afgooye ee laamiga ah oo kaliya oo ay ku tagaan degmada Afgooye, kamana degi karaan.

Dhinaca degmada Afgooye iyo hareeraheeda, si buuxda ayay gacanta ugu hayaan ciidamada huwanta ah, waxayna shalay oo kaliya kasoo qabqabteen magaalada dad gaaraya 300 boqol oo qof.

Laakin inta u dhaxeysa Afgooye iyo Muqdisho haddii laamiga laga degto 300 mitir waxa ku sugan oo ka taliya maleeshiyaadka Al-Shabaab oo si buuxda u jooga xaafadaha kala ah: Garasbaaleey, Macaane ama G8, dhabarka dambe ee Maqaayada Nasri 3, Jabad-Geel, Marwasi, Xaawo Cabdi iyo Calamada oo dhamaantood ka tirsan degaanka Ceelasha Biyaha, kuwaas oo ay dib u soo buuxiyeen maleeshiyadu.

Xaafadahaas qaarkood maamul buuxa Al-Shabaab ayaa wali ka taliya, halka masajidada xaafadaha qaarkoodna ay sidii ay doonaan uga qudbadeyna yeen maleeshiyaadka Al-Shabaab maalmihii la soo dhaafay, mana jiraan ciidamo dowladda ka socda oo wali cagta ku dhigay ama u galay gudaha xaafadahaas ay weli ku sugan yihiin maleeshiyadu.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay oo kaliya, maleeshiyaadka al-Shabaab ee halkaas ku sugan waxay qaadeen 10 weerar oo  gaadma ahaa oo ay u geysteen ciidamada dowladda ee adeegsada wadadaas, weerarka lagu qaaday kolonyada madaxweyne Shariif wuxuu ahaa weerarkii 11-aad, muddo 3 maalin gudahood ah.

Sidaasi oo kale, weerarka lala eegtay madaxweyne Shariif oo ay galbinayeen gawaarida qafilan ee AMISOM ayaa shacabka u soo bandhigay awooda ay wali ku leeyihiin Al-Shabaab degaanka Ceelasha Biyaha iyo meelaha u dhow, mana ahayn weerarkaasi, kii ugu horeeyay ee ay al-shabaab wadadaas ku soo qaadaan, mana noqon doono kii ugu dambeeyay, hadaan deeganadaas si feejigan looga fiirsan fara ku heyntooda iyo sida laga yeeli karo.

Tusaale ahaan, Masaajidka ku dhagan maqaayada Nasri 3 oo laamiga saaran una jira wadada laamiga ah qiyaastii 100 mitir ayay maleeshiyaadka Al-Shabaab ku sugan yihiin, dowladuna waxay sheegeysaa in ay wadada laamiga ah ee aada Afgooye ay nabad tahay.

Si kastaba, haddii aysan saraakiisha hogaamineysa ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Amisom wax ka bedelin qorshaha ku wajahan marinkaas muhiimka ah oo aan dib loogu noqon sugidda amniga ee xaafadahaas aan soo sheegnay, waxay sheekadu ku dhamaan doontaa, maalin kasta 3 weerar oo gaadmo ah oo halkaas ka dhaca.

Madaxda Ciidamada Dowladda Soomaaliya, waxaan kula talineynaa, in ay xaaladdaas aad uga fikiraan, isla markaana wax ka qabtaan iyagoon shacabka wax yeeleeyn, sababtoo ah waxaa meesha ka jira isku dhax milan ay adagtahay in wax lakala saaro, laakiin hadana sidaas ay taahy laguma dhaafi karo xaaladaaas.

SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: