Advertisements

Tababare Fartuun Cismaan iyo Kooxdeeda oo ka dhex muuqda Koobka NSC Cup oo ka socda City of Blaine Minnesota.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Waxaa May 26 – 28, 2012  ka furmey magaalada Blaine ee Gobolka Minnesota USA koobka lagu magacaabo National Sports Center Cup ( NSC Cup) .

Koobkan oo ah kii 20-aad ee Midwest‘s premier Memorial Day tournament gaar ahaan kubadda Cagta (NSC Cup Soccer Tournament) ayaa inta badan waxaa Tartan ku dhexmaraa Iskuuladda isugu soo hara ama soo gaara Cayaaraha kama danbeysta ah (Semi-Finals).

Tababare Fartuun Cismaan (Ali-dheere) ayaa macallin ama tababare u ah kooxda Kubadda Cagta ee Iskuulka Higher Ground Academy Red Fox ( HGA Red Fox), kooxdaas oo ah Gabdho Somali-American da´dooduna tahay 14 Sanno(Grils & Age = 14). Ciyaarihii  Kooxda HGA Red Fox ayaa  waxay ahaayeen kuwo aad u xiiso badan soona jiitey dadweynihii ka qayb galay, ayagoo muujiyey kooxdaasi cayaar- wanaag iyo karti labadaba. Waxayna ku guulaysteen laba ciyaarood oo ka mid ah kuwii ay dheeleen waxaana u harey weli ciyaaro kale.

Tababare Fartuun Cismaan ayaa tababarta Gabdhaha da´doou u dhaxeyso  8 ilaa 16 Sanno Ciyaaro kala gedisan (Soccer, Basketball & Athletics). Masuuliyiinta iyo Qoomiyadaha kala gedisan ee ku nool Gobolka Minnesota ayaa waxaa aad indhahooda u soo jiitey ama mucjiso ku noqotey Gabdho yaryar oo Somali-American ah oo Ciyaaro kala gedisan Ciyaaraya sida Kubadda Cagta, Kubadda Gacanta iyo Ciyaaraha Fudud ( Soccer,basketball & Athletics) kuwaas oo xidhan Sport dress Qamaar, Funaanad gacmo dheer ah, Goono jilbaha joogta, Suwaal dheer iyo kabo kuwaas oo Garoomada Ciyaaraha mudooyinkii u danbeeyey aad uga dhexmuuqdey kuna soo batey.

Tababare Fartuun Cismaan ayaa Sidoo kale waxaa ay muddo dheer la shaqaynaysay Urban Youth Leadership connection/MN Thunder Plus iyo Higher Ground Academy,   2006-diina waxay ku  guulaysatay shahaadada E license oo ah aqoonsi tababaranimo ee kubadda Cagta. Waxay kaloo marar badan ku heshay abaal marino caalami ah sida Abaal marinta Virginia Mcknight Binger Human services Award.

Fartuun Cismaan (Ali-dheere)  oo ka mid ahayd Ciyaartoogii heerka kowaad Kubadda Basketball ee Naadiga Muqdisho, kuwii Xiddigaha iyo Xulka Qaranka ee Soomaaliyeed ayaa Sidoo kale waxay ahaan jirtey Ciyaartoogii Ciyaaraha fudud( Athletics) sida Oradada 1500m, 400m oo ay kaalimo fiican ka soo gashay oo heer Caalami ah.
 
Natiijooyin Ciyaaraha iyo sawirada Goor dhow la socda
 
City of Blaine, Minnesota. USA
 
Halkan ka akri isku aadka Ciyaaraha NSC Cup

http://events.gotsport.com/events/schedule.aspx?EventID=25051&Sex=Girls&Age=14

Halkan ka akhri warbixintii uu ka qortey Fartun Osman Wargeyska ” star tribune minneapolis “

http://www.startribune.com/lifestyle/129566493.html

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: