Advertisements

Madaxweyne Shariif Sh. Axmed oo dhexda loogu galay inta u dhexeysa Ceelasha Biyaha iyo Calamada.

Halkaan ka akhri

Gawaari uu la socday Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed oo maanta socdaal ku gaaray deegaanka Afgooye ayaa waxaa lagu weeraray inta u dhaxeysa deegaanka Ceelasha Biyaha iyo Calamada, kadib markii uu booqashadiisa degmada Afgooye uu kasoo laabtay, halkaas oo dhowaan laga xureeyay kooxda Al-Shabaab.

Weerarkan Madaxweynaha ku qabsaday Ceelasha Biyaha ayaa lasheegay in aysan wax dhibaata ah kasoo gaarin, waxaana si nabad ah uu kusoo gaaray magaalada Muqdisho oo uu saaka ka ambabaxay, iyadoo xilliga uu weerarkaasi dhacayey ay lasocdeen ciidamo aad u fara badan oo katirsan AMISOM iyo kuwa Dowlada Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa inta badan waxaa uu ku safraa gawaarida gaashaaman ee AMISOM, isla markaana ah kuwa aysan ka dhexbixin ama ka dusin rasaasta  kuwaasi oo uu uga gaashaanto dhacdooyinka sidan oo kale ah, waxaana weerarkan uu socday mudo ku dhaw hal saac oo aysan marna kala go’in rasaastii la is dhaafsanayay.

Dhinaca kale Afhayeenka Ahlu Sunna ee Qaarada Yurub ayaa ku dhaawacmay weerarkan, kadib markii uu saakay horey usii raacay wefdiga Madaxweynaha, waxaana sidoo kale halkaasi ku dhintay sida lasheegay hal Askari, iyaddoo ay sidoo kalena ku dhaawacmeen in ka badan 10 askari oo ka mid ahaa ciidankii maanta madaxweynaha gelbinayey.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: