HOOS KA DHAGEYSO CODKA
Halkaan ka akhri
AMA HALKAN KU DHAGEYSO AALADA KALE
Kooxda Al-Shabaab ayaa markii ugu horeysay waxaa ay ka hadashay weerarkii dhabo galka ah ee maanta lagu qaaday Kolonyo galbinaysay Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed.
Afhayeenka dhanka Howlgalada ee kooxda Al-Shabaab oo magaciisa lagu sheegay Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa sheegay weerarkaasi maanta in ay iyaga kadambeeyeen iyo weerar kale oo uu sheegay in ay ka fuliyiin Jubbooyinka, isla markaana ugu tala galeen kan Ceelaha Biyaha in ay ku tusaan madaxweyne Shariif in uu mardambe isku soo haleyn, waa sida uu hadalka u dhigay.
SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |