Odayaasha Dhaqanka oo shir uga furmay Istanbul.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Iyadoo ay labadii maalmood ee ugu dambeysay ku sii qul qulayeen caasimadda labaad ee dalka Turkiga ergooyin boqolaal gaaraya oo matalayay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, Bulshada Rayidka ah iyo xubno ka socday dowladda Soomaaliya ayaa waxaa si rasmi ah uga furmay hotel Dedeman Hotel  shirkaasi.

Shirkaan ayaa furmay abaarihii 9:00 subaxnimo ee shalay waxaana furay Wasiirka Arrimaha dibadda ee Dalka Turkiga Ahmet Davutoğlu isaga oo ergada ka soo qeybgashay kulanka ku booriyay afar qodob oo uu sheegay inuu saldhig u yahay qabashada kulankaan kuwaasoo kala ah.

  • 1.      In Soomaalidu ay helaan gole am madal ay danahooda si xor ah ay uga tashadaan.
  • 2.      In si wadajira ah ay waxgaradka Soomaaliyeed ay isula eegaan culeysyada heysta Soomaaliya iyo xalkoodaba.
  • 3.      In soomaalida fursad loo siiyo in ay soo bandhigaan wixii ay xal u arkaan, wixii muhiim u ah si Soomaaliya ay dib ugu soo noqoto kaalintii ay ku laheyd caalamka.
  • 4.      In fursad loo siiyo Turkey in ay fahamto baahida amni, midda Siyaasadeed, Bani’aadanimo iyo horumar ee Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha dibadda ayaa sidoo kale khudbadiisa ku dhiiri geliyay odayaasha iyo qeybaha bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed inay dib boorka uga jafaan taariikhdii Soomaaliyeed ee dahabiga aheyd isaga oo tusaale u soo qaatay taariikhdii Halgankii Axmed Gureey “Waxaa la idiinkaga fadhiyaa Soomaali haddii aad tihiin in Axmed Gurey taariikhdiisii aad boorka ka jaftaan” ayuu si kaftan ah u yiri Wasiirka oo dhinaca kale tusaale u soo qaatay Soomaalidu waagii dagaalkii Andulus dadkii ka soo cararay wadamo ay ka mid tahay Spain inay Soomaaliya u barakaceen ayna soo dhoweeyeen Soomaalidu taasoo keentay inay ku noolaadaan Soomaaliya oo ay ku tartaam maantana dad faracooda ka mid ah ay ku noolyihiin.

Khudbada Wasiirka kadib, ayaa waxaa goobta ka hadlay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka iyo bulshada Rayidka oo ay ka mid ahaayeen Axmed Naaji Sacad, Cabdishire Jaamac ciyaarjecel, Orodyahanka weyn ee Cabdi Bile Cabdi iyo Amina Muuse Weheliye oo ah oo ah gabar Soomaaliyeed oo caan ah, isla markaana ah weriye, Jilaa, Gabyaa iyo qoraa intaba.

Shirkan ayaa la qorsheeyey inuu socdo 27 bishan April illaa 02.06.2012 bisha dambe ee June waxaana cinwaanka shirkani yahay kulanka Istanbuul ee Bulshada Rayadka Soomaalida, iyadoo ugu dambeyntii talooyinka, tusaalooyinka iyo weliba aragtiyada ka soo baxdo kulankan la hor dhigi doono kulanka weyn ee Caalamiga ah kaasoo ay ka soo qeybgali doonaan matalayaasha dhamaan beesha caalamka, madaxda dowladda, iyo kuwa maamul goboleedyada kaasoo lagu go’aamin doono itijaaha siyaasadeed Augost 20 2012 oo ku eg waqtiga Dowladda haatan jirta ee KMG ah.

Dhinaca kale, wafdi uu hogaaminayo Shariif Xasan Sh. Aadan ayaa gaaray magaaladan Istanbul iyada oo sidoo kalena la filayo in labada maalin ee soo aadan ay tagaan madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha iyo weliba madax kale. HALKAAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADA


SomaliSwiss Turki

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: