Advertisements

WAXAAN KU IDHI: NINKAAN YAA XABAALAY?

MAQAAL XIISO BADAN

Halkaan ka akhri

Dhaqane iyo dhaashane, dhalin weeye magaalo, dhaqankoodu mid maaha, Dhaliil la iskama qaato, DHafoor taabasho weeye, Dhibtana la iskuma eego, daily way  kaftamaan, Hadana la isma dhegaysto, Dhoohanaad tahay waalan  iyo adaa dhoocil ka liita, warkoodaa ku dhamaadee, Kaalayoo bal dhegayso.

DHaqane: Waar kaalay ,horta hadalkaygi run ma noqday? DHaashane: Hadalkaagee?

DHaqane: Dee markaa lahaydeen, shirka tegi mayno ilaa labadaa nin laga saaro,  Een ku odhan jiray waydun tegi  iyadoon waxba laga saarin.
DHaashane: Waar kan maaha dee, Waa ka danbe, Kani siyaasad maaha waa dhaqaale uun, Markaa dhaqaalahaanu qaybtayada soo qaadanaynaa.
DHaqane: Haa, Oo xaalkiinu waa bakhtiga ma cunee fuudkiisaan cabaa miyaa?
Dhaashane: Adeer horta dheguhu idiinma daloolaan miyaa? Sowtaanu kun jeer idin nidhi meel kasta oo maslaxada wadanku ku jirtu waanu tegaynaa.
DHaqane: Oo  ma odayaal dhaqameedka  uu Turkiga kasoo guray Soomaaliya baad  la kulmaysaan? Mise dastoorka ayaad wax ka soo saxeexaysaan.
DHaashane: Ala muxuu marba meel  isku qaaday. Waar anagu waxaan  aad sheegayso garan maynee, dadkii iyo dowladihii nala yidhi la shira, baanu la shiraynaa adeer.
DHaqane: Dee waayee meesha odayaal baa joogee odayaal u dira. Siday afartan wasiir ee tiega ku seexdiyo odayaashan cumaamadaa huwani  isu fahmayaan?

DHaashane:Waar yaa ala yaqaan oo ninkan isu kaayo af garta ! Waar ordoo horta siyaasada soo barta intaydaan nala kaftamin.

Dhaqane: Waayee:Lacag na siiya maxaa af turkiga lagu yidhaa? DHaashane: Oo yaad waydiinaysaa dee anagu ma af turkigaanu naqaan?

DHaqane: Dee mayee xaabasadaa yaqaan,mise tolow kan arimaa debeduu ahaa?Walee sidaa isu leediin shilin walba shariifka la booba inaydun jar inaga tuuri.Waxaa la yidhi:Beri baa laba nin  lacag wada dhaceen .Mid baa ku yidhi kii kale hoo lacagta  inoo sii qaad waan kaa daba imanayaa.Kii lacagta sii qaaday baa niman dileen, Lacagtiina way kala baxeen, ninkiina way aaseen.

Kii kale oo  ka daba yimi baa loo sheegay in ninkii la dilay lana aasay.Xabaalihii oo dhan buu kolba mid qoday oo meydadkii debeda soo wada dhigay ilaa uu ka helay kii uu doonayey. Deg deg buu jeebadihiisii u baadhay saa waxba kuma jiraan.

Dad daawanayey  oo ay ku jiraan kuwii ninka dilay, lacagtana la baxay intuu u tegay buu ku yidhi:

War ninkan Yaa xabaalay? Hadaad adigu kuwaa ka mid tahay maxaad ku jawaabi lahayd?

DHaashane: Adaa kolba wax aan loo joogin ka sheekeeyee maxaad adigu ku jawaabi  lahayd?
DHaqane: Waxaan odhan lahaa sug intaan Turkiga ka soo noqonayo.

W/Q :Baxnaan Xaaji Aden 

SomaliSwiss@hotmail.com

————————————————————————————————
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anagu hadaanu nahay SomaliSwiss, waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dila.

Advertisements
%d bloggers like this: