Advertisements

Odayaasha dhaqanka Degmada Wabxo iyo Ahlusunna oo halkaas shir ku yeeshay.

Halkaan ka akhri

Waxaa maanta degmada Wabxo ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya lagu soo gabagabeeyay kulan looga hadlay kaalinta odayaal dhaqameedka ee gobolkaasi, iyadoo kulankaasi ay ka qeyb qaateen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Ahlu Sunna Wal Jamaaca iyo odayaasha dhaqanka ee deegaanka Wabxo.

Cabdishakuur Cabdi Xuseen “Jaadir” oo ah mas’uul ka tirsan maamulka ASWJ ee bartamaha Soomaaliya oo kulankaasi kadib saxaafada la hadlay ayaa shaaca ka qaaday in oday dhaqameedkii ka qeyb galay kullamadii ka dhacay degmada Webxo ay isla meel dhigeen sidii maleeshiyada Al-Shabaab looga saari lahaa dalka islamarkaana loo wacyi galin lahaa dhallinyaradii ay marin habaabiyeen kooxahaasi ee haatan ku sugan deeganada gobolka Galgaduud.

Cabdishakuur ayaa intaasi raaciyay in ay ay ku kal soon yihiin is afgaradkii dhexmaray iyaga iyo odayaal dhaqameedka deegaanka Webxo, waxa uuna xusay ladagaalanka Al-shabaab looga qeyb qaadan doono Af, adin iyo maalba, si dhibaatada ay shacbiga ku hayaan looga qaado.

Dhinaca kale, Nabaddoon Maxamuud Axmed Maxamed oo ka mid ahaa odayaal dhaqameedkii ka qeyb galay kulamadii ka dhacay deegaanka Webxo oo isana saxaafada la hadlay ayaa sheegay in dhammaan qodobbadii ay ka wada hadleen Ahlu Sunna ay isla meel dhigeen odayaasha ay diyaar u yihiin wax walba oo lagu horumarinayo ammaanka gobolka Galgaduud.

SomaliSwiss Wabxo

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: