Advertisements

Faroole iyo Caalin oo sheegay in uusan boos uga banaaneyn shirka Istanbul lagu qaban doono.

HOOS KA AKHRI WARQADAHA

Halkaan ka akhri

 

Maamulada Puntland iyo  Galmudug ayaa si wada jir ah  marki  ugu horeysay  waxa ay  shaca ka qadeen in aysan ka qayb geli doonin  shirka Bisha JUN ka furmaya Magaalada Istanbuul  ee Wadanka Turkiga.

Cabdiraxman Sh. Maxamed Faroole,  Madaxweynaha  Puntland oo la hadlayay saxaafadda ayaa sheegay in puntland aysan ka qayb gali doonin Shirka  ka dhacaya  Istanbuul  asagoo sheegay in shirkaasi laga leeyahay dano gaar ah.

Madaxweyne Faroole ayaa waxa  uu intaasi ku daray in Shirka Istabuul  la marin habaabiyay  isla markana uu gacanta ugu jiro maamulkiisu dowladda KMG.

Dhana kale Madaxweynaha  Galmudug, Maxamed Axmed Calin oo  isna u waramayay saxaafadda ayaa sheegay in  asaga iyo Faroole  ay isku mowqif ka tagan yihiin Shirka  Istanbuul  waxaana uu sheegay  in shirkaasi wadadiisii laga weeciyay.                              Read here:  Puntland-Galmudug-Press-Statement

Madaxwene Caalin ayaa u mahad celiyay Dowlada turkiga sida ay uga qayb qadatay gargaarida  ummada Somaliyeed  waxana uu shegay in ay somalida  abaal uga hayaan  kalmadaas.

Isku soo wada  duubo, diidmada labadan Maamul ee Shirka Istanbuul ayaa waxa ay daba socotay Warqad si wadajir ah ay u soo saareen Wadamada IGAD taas oo ay ku dhaleceyeen  Odayaashi shalay  laga  qaday  Garoonka Muqdisho ee  loo qaday Wadanka Turkiga waxayna shegeen Safarka Odayaasha in uu saameyn ku yeelan doono ka bixitaanka Xiliga KMG ah . Halkan Guji oo ka Aqriso Warsaxafadeedka Wada jirka ah

SomaliSwiss Galkacyo

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: