Advertisements

Ciidammada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa AMSIOM oo la sheegay in ay ku sii jeedaan degmooyin hor leh oo ka tirsan Sh/Hoose.

Halkaan ka akhri

War saakey naga soo gaaray magaalada Wanlaweyn (Daafeed) ayaa sheegayaa in Malleeshiyaadka Al-Shabaab ay banneeyeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, gaar ahaan deegaanka Wanlaweyn iyadoo ciidammada dowladda iyo kuwa AMSIOM ay kuu sii jeeddaan degmooyin hor leh oo ka tirsan gobolkaasi.

Sidoo kale Wararka kale  ayaa sheegaya deegaannada ay ciidammada dowladda oo kaashanaya ciidammada AMISOM ay gacanta ku dhigeen ay ka wadaan howlgallada loogu safeynaya malleeshiyaadka Al-Shabaab ay banneeyeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose oo ay ka mid yihiin degmada Afgooye iyo Wanlaweyn.

Dadka deegaanka oo Saakay ka jirmaaday magaalada Wanlaweyn ayaa Warbaahinta u sheegay in ay arkayeen malleeshiyaadka Al-Shabaab oo isaga cararaya degmadaasi, iyagoo wata gaadiidka dagaalka, iyagoo intaa raaciyay in hadda degmada ay ku sugan yihiin malleeshiyaad kooban oo halkaasi looga cararay.

Sida uu sheegay Sarkaal ka tirsan saraakiisha ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in hadda ciidammada ay ku dhaqaaqeen degmooyin ay ka mid tahay Wanlaweyn iyo deegaannada hoos tagga kaddibna ay uga sii gudbi doonaan magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose.

SomaliSwiss      Afgooye

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: