Advertisements

Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed oo sheegay in askarigii shacabka dhib u geysta la toogan doono.

Halkaan ka akhri

Taliska Ciidamada xooga dalka Soomaaliyed ayaa uga digay ciidamadu inay xadgudubyo kula kacaan shacabka ku dhaqan deegaannada dhowaan laga sifeeyey Al-qaacidada Soomaaliya.

Abaanduulaha Ciidamada xoogga dalka Jeneral  C/kariin Yuusuf Aadan (Dhega-Badan) ayaa daboolka ka qaaday in aan loo dul qaadan doonin askarigii dhib u geysta shacabka Soomaaliyeed, isagoo uga digay ciidamada in ay dhibaateeyaan shacabka.

“Askarigii dhib u geysta shacabka waxa uu la midyahay kooxihii jid iyo jihadiidka ahaa, mana ka yeeli doono in dhibaato loo geysto shacabka har iyo habeenba u taagan inay na caawiyaan” ayuu yiri Jeneraal Dhega badan oo intaas ku sii daray hadalkisa in uu ciqaab dil ah la kulmi doono askarigii falkaas ku kaca.

Abaanduulaha ciidamada ayaa sheegay in shacabka ay xaq u leeyihiin in ay ku seexdaan, kuna soo toosaan difaacida Ciidamada qalabka sida, isagoo shacabka ka dalbaday inay sii xoojiyaan taageerada ay siinayaan ciidamada qalabka-sida ee Soomaaliya.

SomaliSwiss Afgooye

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: