Advertisements

Qaraxyo xoogan oo Khasaaro geystay oo ka dhacay magaalada Wajeer ee dalka Kenya.

Halkaan ka akhri

Warar kala duwan oo iminka naga soo gaaraya dalka Kenya ayaa sheegaya in Bambooyin lagu weeraray Hotel weyn oo ku yaala gudaha magaalada Wajir iyo weerar kale oo isna lagu qaaday xerada Dhadhaab.

Qaraxyadaasi ayaa waxaa ku dhintay sida aanu warka ku helnay illaa 2 qof, halka in ka badan 10 kalena ay ku dhaawacmeen, isla markaana loola cararay Isbitaalada halkaasi ku yaala.

Ciidamada Booliska wadanka Kenya ayaa qaraxa kadib waxaa ay soo gaareen goobaha ay qaraxyada ka dhaceen, waxaa ayna sameeyeen howlgalo baaritaano ah, iyaga oo xiray dhamaan wadooyinka soo gala goobtaasi uu qaraxa ka dhacay.

Qaraxyadan ayaa sida lasheegay waxaa lala xiriirinayaa kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha dalka Soomaaliya, lakin illaa iyo hada macada cida sida rasmiga ah uga dambeysa.

Si kasta ha ahaatee Qaraxyada iyo weerarada ayaa waxaa ay ku bilowdeen dalka Kenya, kadib markii ay ciidamadooda gudaha usoo galeen qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya, si ay markaasi ula dagaalamaan kooxda Al-Shabaab, iyagoo dhinaca kalena khasaaro u geystay dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

SomaliSwiss Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: