Advertisements

Madaxweynaha Djibouti oo maanta Xarunta Madaxtooyada dalkaas ku qaabilay Ra’isal wasaaraha dalka Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha Djibouti Ismail Omar Gelle ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada dalkaasi ku qaabilay Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya C/weli Gaas oo booqasho rasmi ah ku tagay dalka Djibouti.

Ra’isal Wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya ayaa Madaxweyne Ismail Omar Gelle uga mahadceliyey sida isaga, dowladiisa iyo shacabka Djbiouti ay marwalba ugu heelan yihiin una garab istaaganyihiin shacabka Soomaaliyeed. Waxuuna sheegay in Madaxweynaha Djbouti uu yahay Aabaha Soomaaliyeed oo marwalba u taagan danaha shacabka Soomaaliyeed.

Ra’isal Wasaare C/weli ayaa ka warbixiyey xaaladda dalka iyo horumarka baaxadda leh ee laga sameeyey dhinacyo badan sida amniga, dastuurka, maamul wanaaga, gar-gaarka bani’aadanimo iyo dib-u-heshiisiinta.

Mr. C/weli Gaas waxaa uu sidoo kale u faahfaahiyey Madaxweynaha Djibouti heshiikii Addis Ababa oo uu sheegay inuu ahaa heshiis taariikhi ah oo jadwal mucayan ah loo sameeyey sidii loo soo afjari lahaa xilliga KMG ah.

Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya ayaa kulan kale oo gaar ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Djibouti Dileyte Mohamed Dileyte oo Qado sharaf u sameeyey Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa.

Sidoo kale Madaxweynaha Djibouti ayaa sheegay in dowladda Djibouti ay ka go’an tahay sidii Soomaaliya loo saacidi lahaa oo looga saari lahaa marxaladdan adag, wuxuuna Madaxweynahu uu intaas ku daray in arrimaha Soomaaliya si joogta ah ugala hadlo beesha caalamka.

Ugu danbeyntii  Madaxweynahu wuxuu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya u rajeeyey in EEBBE la garab galo dadaalka iyo horumarka baaxadda leh ee socda, una xaqiijiyey in Dowladda Djibouti ay marwalba diyaar u tahay garab is taaga shacabka Soomaaliyeed.

SomaliSwiss      Jabuuti

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: