Advertisements

Afhayenka AMISOM oo sheegay in ciidamadooda & kuwa dowlada Somalia ay qabteen magaalooyin Muhiim ah.

Halkaan ka akhri

Captain Paddy Ankdunda oo Afhayenka ciidamada midowga Afrika ee AMIOM ayaa shaaca ka qaaday in kooxda Al-shabaab ay lumiyeen magaalo istiraatiiji ah taasoo uu tilmaamay in aysan ka waaqsan doonin Al-shabaab.

Afhayenku oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri: “Xarakada  Al-Shabaab waxay lumiyeen degmada Afgooye oo ah magaalo istiraatiiji ah,” wuxuuna  sheegay in magaalada Afgooye ay ahayd Xarunta labaad ee Al-Shabaab marka laga reebo magaalada Kismaayo.

Captain Paddy Ankdunda oo la hadlay warbaahinta Soomaalida, gaar ahaan idaacadaha iyo TV-yada afka Soomaaliga iyo English-ka ee dibadaha la hadla ayaa tilmaamay inay xaqiijin doonaan amaanka deegaanada ay ka xureeyeen Al-shabaaab.

Si kasta ha ahaatee Afhayenka wuxuu sheeday in uu sii socdo howlgalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ay wadaan ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM oo uu xusay in ay dhowaan rajeynayaan in ay si toos ah isugu furanto wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo iyo Muqdisho iyo Kismaayo.

SomaliSwiss      Afgooye

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: