135 Oday Dhaqameedyo Soomaali ah oo maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho, iyagoo ku sii jeeda waddanka Turkiga.

Halkaan ka akhri

Odayaal tiradoodu gaarayso 135 Ruux oo ka mid ah Odoyaasha dhaqanka Qabaa´ilka Soomaaliya, kuwaas oo ayaamahanba u fadhiyay soo xulitaanka ergada Ansaxinta dastuurka ayaa maanta ka ambabaxay Magaalada Muqdisho iyagoo ku sii jeeda waddanka Turkiga oo ay ka heleen casuumaad rasmi ah.

Waxaa kaloo la sheegay in Odayaaashan aysan ahayn keligood, balse waxaa ku wehliya Safarkooda xubno badan oo ka tirsan ururada bulshada Rayidka ah iyo qaar ka mid ah hay’adaha dowladda.

Odoyaasha dhaqanka ayaa waxaa sii sagootiyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo uu horkacayay ku simaha R/wasaaraha ahna wasiirka ganacsiga iyo warshadaha, C/wahaab Ugaas Xuseen oo garoonka diyaaraadaha kulahadlay suxufiyiinta ayaa sheegay in aysan ka warheyn ajandaha looga hadli doono shirka ay odayaasha uga qeybgalayaan Turkiga.

Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka C/samad Macalin Maxamuud oo ka mid ahaa mas’uuliyiinti dowladda ee sagootiyay odoyaasha dhaqanka iyo xubnihi kale ee casuumaada ka helay dowlada Turkiga ayaa ka warbixiyay bixitaanka Odoyasha iyo ka qeybgalka shirka, isagoo wasiirka arimaha gudaha tilmaamay in Xukuumadda KMG aysan waxba ka ogeyn ka qeybgalka shirka ee ururada Bulshada rayidka ah.

Sidoo kale Ku simaha R/wasaaraha ahna wasiirka Ganacsiga C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa sheegay in ka qeybgalka shirkan ay odoyaasha u baxeen uusan Caqabad ku aheyn howlihi soo xulitaanka ergada ansaxinta dastuurka dalka.

Odayaasha ayaa Muddooyinkan kulan ku lahaa Magaalada Muqdisho kaas oo ay kaga arrinsanayeen sidii ay u u soo xuli lahaayeen ergada ka qeyb galeysa ansixinta qabya qoraalka dastuurka Cusub ee dalku yeelanayo.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: