Xaaladda degmada Afgooye oo weli cakiran iyo maleeshiyadii Al-shabaab oo xalay isaga baxay.

Halkaan ka akhri

War  aan saakay ka helnay Wakiilka SomaliSwiss ee ku sugan Goobaha ka socda dagaalka, gaar ahaan aaga degmada Afgooye ee gobolka Sh/ Hoose ayaa noo soo sheegay in ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM ay ku sugan yihiin duleedka degmadaas, xillli ay xoogaggii Al-shabaab fisaga baxeen.

Sida la wada ogsoon yahay Degmada Afgooye oo 30-km dhinaca Koonfureed kaga beegan magaalada Muqdisho ayaa haddii ay gudaha u galaan ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM waxay noqonaysaa degmadii ugu horreysay ee ka baxsan Muqdisho oo dowladdu kala wareegeeto Al-shabaab.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in xaaladda degmada ay tahay mid dadkeedu ay  ku jiraan walaahow,  iyadoo  xoogaggii  Xarakada Al-shabaab ay  xalay  isaga baxeen degmadaas.

Wakiilka SomaliSwiss ayaa sidoo kale inoo soo sheegay inuu la xiriiray dad goobjoogayaal ah oo ku sugan gudaha magaalada Afgooye  ayaa  khadka teleefonka  ku warsaday xaaladda degmadu, waxayna sheegeen in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku sugan yihiin halka loo yaqaan bood-boodka oo u dhexeysa Carbiska iyo Afgooye.

Sidoo kale qaar ka mid ah qoysaskii ku noolaa degmada Afgooye ay isga  baxeen iyagoo ka cabsaday in lagu dagaalamo, waayo madaafiic aan khasaare geysan ayaa xalay kusoo dhacay degmada; waxaana jira qoysaska go’aansaday inay sii joogaan oo isaga jiraan guryahooda ilaa isbedel dhaca.

Dhanka kale Jen. C/llaahi Cali Caanood oo ka mid ah saraakiisha hoggaamiyaha ciidamada DKMG ah ee ku sugan kaabiga degmada Afgooye ayaa sheegay inay isku diyaarinayaan in maanta ay gudaha u galaan degmada.

Si kasta ha ahaatee waxaa la sheegayaa in Xoogaggii Al-shabaab ee isaga baxay degmada Afgooye ay u jiheysteen dhinaca degmada Marko ee xarunta gobolka Sh/Hoose halkaasoo ay ka wadaan dhaqdhaqaaqyo ciidan sida ay sheegayaan wararka laga helayo degmadaas.

Maamulka Xarakada Al Shabaab ee degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa la sheegay inay shalay xabsiyo ku yaala degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ay ka sii daayeen maxaabiis ku jirtay, waxayna la baxeen dhaawacyo u yiilay Isbitaalka degmadaas iyo goobo caafimaad oo kale.

SomaliSwiss      Lafoole – Afgooye

SomaliSwiss@homail.com

%d bloggers like this: