Turkish Airlines oo laba Todobaad oo ay isbaaro u dhigteen maamulka Garoonka Aadan Cade, maanta markale dib usoo caga dhigatay Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Markii ugu horeysay muddo laba todobaad ah oo ay caqabad kala kulmeysay maamulka garoonka Muqdisho, waxaa maanta oo Jimca ah si nabad usoo caga dhigatay una duushay diyaarada Turkish Airlines oo Muqdisho ku timid duulimaadkeedii caadiga ahaa ee Istanbul-Muqdisho-Istanbul.

Diyaaradan oo todobaadyadii lasoo dhaafay maamulka garoonka Muqdisho kala kulmeysay, wax u muuqday daandaansi iyo carqaladeyn ay u geysanayeen mas’uuliyiinta gacanta ku haya garoonka Adan Cadde ee Muqdisho oo la sheegay in ay hoos iska ogaayeen qaar ka tirsan madaxda sare ee Xukuumadda oo lacago ka qaatay shirkadaha kale ee diyaaradaha ayaa diyaaradda u diiday jihadii ay dooneysay inay ka soo degto, taas oo keentay in ay saddex duulimaad Muqdisho ka noqoto, iyadoo aan caga dhigan, hase yeeshee maanta ayaa lagu guuleystay in ay ka soo degto isla jihadii hore loogu diiday labadii isbuuc ee hore.

Maamulka shirkadda Turkish airline ayaa sheegay in diyaaradoodu ay ka degi karto oo kaliya dhanka Ifisiyoone ee Garoonka, iyadoo markii ay u duuleysana u kacday dhanka Xalane oo dabeyshu ay hada ka timaado. Diyaarada ayaa ku adkeysatay inay raacayso nidaamka caalamiga ah ee duulimaadyada taasoo ah in diyaaradu ay ka hortimaado dabaysha marka ay degayso si ay ugu caawiso soo dagitaankeeda, taas oo maamulka garoonka Muqdisho oo la sheegay in la laaluushay ay hore ugu diidayeen.

Muranka dhex maray Shirkadda Turkish Airlines iyo maamulka garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa gaaray heer uu arrinta soo fara geliyo Ra’isalwasaaraha Turkiga oo madaxda dowladda Soomaliya u sheegay in haddii aan cuna qabateynta laga qaadin shirkadda Turkish ay jooji doonaan, duulimaadyadii loo qorsheeyay in ay Soomaaliya ka bilowdo, taas oo ka dhignayd 22 sano ka dib, in ay ay diyaaradaasi samaynaysay Duulimaad caalami ah oo ka bilowda Muqdisho iyo caalamka.

Diyaarada maanta timid Muqdisho ayaa ahayd, mid ka weyn kuwii hore ay shirkaddu u isticmaaleysay duulimaadyada Xamar, maadaama ay jireen rakaab badan oo horay u baaqday, waxaana la arkayey rakaabkii diyaaradaas la yimid oo aad u faraxsanaa, isla markaana wajiyadooda laga dheehan karay markii ay ka soo degeen garoonka Aadan-Cadde oo u muuqday kuwo ka walwal qabay in diyaaradani ay joojiso duulimaadyadeeda.

Lama Oga sababta rasmiga ahayd ee ka dambeysay in la carqaladeeyo dduulimaadyadii diyaaradaasi ku soo degi lahayd labadii todobaad ee tegay, hase yeeshee warar xog hoose ah oo laga helay ilo aan dooneyn in lamagacaabo oo maamulka Garoonka la shaqeeya iyo kuwa kale oo xafiiska ra’isal wasaaraha ayaa ku sir warramay, inuu jiray heshiis dhex maray xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya iyo masuuliyiin ka socotay shirkadaha Jubba, Africa iyo Daallo.

Xogtaasi waxay sheegaysaa in wakiillo ka socday xafiuiska Gaas gacanta loo geliyey lacag kaash ah oo gaareysay $300’000 (Saaddex Boqol kun) Doollar, isla markana loo sameeyay ballan qaad kale, haddii lagu guuleysto, joojinta Turkish airlines, iyadoo ilahaasi ku adkeysteen in lacagtaas ay ku dhacday gacanta ra’isal wasaare Gaas oo isaguna si hoose u amray in xeelad kasta oo ka xanaajineysa Turkish airline loo isticmaalo, laguna soo rogo, shuruudo aysan aqbali kareyn si ay u joojiso duulimaadyadeeda Muqdisho.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: