Advertisements

Dowladda KMG ah oo ku hanjabtay in ay shaqada ka joojin doonto, qaar ka mid ah idaacadaha Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay shalay, waxaa loogu digay, inay dabagal iyo baaritaanba ku hayso Dowladda Soomaaliya, Milkilayaasha, madaxda, shaqaalaha iyo mas’uuliyiinta qaar ka mid ah Radiye-yaasha FM-yada ah ee ka howl gala magaalada Muqdisho.

Warkaan ay dowladdu soo saartay oo aysan jirin cid magaceeda la sheegay ayaa lagu eedeeyay qaar ka mid ah, milkiilayaasha Idaacadaha FM-yada Muqdisho inay shaqo joogto ah ka dhigteen, Todobaadyadii la soo dhaafay, ku xad gudubka mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena lagu eedeeyay in ay faafiyaan wax lagu tilmaamay, warar mala awaal iyo laab lakac ah oo sida qoraalku xusay lagu majaxaabinayo qorshaha Roadmap-ka.

Xubnahaas Milkilayaasha iyo mas’uuliyiinta Raadiye-yaasha ah ee aysan dowladdu carabaabin ayaa sidoo kale lagu eedeeyey inay hore ugu howlanaayeen sidoo kale, shaqooyin ceynkaan oo kale ah

Warka dowladdu soo saartay ayaa loogu hanjabay, iyadoo loogu baaqay kuwa lala hadlayey in haddii ay ka baaqsan waayaan wax lagu tiklmaamay beenta iyo probogaanka, ka dhanka ah mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya lala tiigsan doono sharciga, isla markaana laga ceshan doono ogolaanshiyaha shaqada, taas oo macnaheedu yahay shaqadana laga joojin doono.

Raadiye-yaasha warkaani quseeyay, hase yeeshee aan la magacaabin ayaa lagu eedeeyay in ay qaar ka mid ah madaxda Dowladda ku xadgudbeen, kuna eedeeyeen inay ku kaceen falal musq maasuq, wax isdaba marin, iyo xatooyo hanti umadeed, waa sida ku xusneyd warkaas dowladdu soo saartaye.

Dowladda ayaa sheegtay in ay tixgelineyso ilaalinta madaxbanaanida saxaafadda iyo hadalka, hase yeeshee aysan u dulqaadan doonin, wax lagu tilmaamay ku tiri ku teen iyo been abuur qayaxan oo loogu gefayo mas’uuliyiinta dowladda.

Waxaa lagu sheegay qoraalkaas oo ay faafisay wakaaladda wararka Soomaaliya, in Raadiye-yaashaas lawaydiin doono, in ay cadeyn u keenaan wixii ay faafiyeen ama ay raalli gelin public ah siiyaan mas’uuliyiintii ay ku xad gudbeen, waa sida hadalka loo dhigaye.

Haddii ay arrimahaasi fulin waayaan ayaa la sheegay in lala tiigsan doono sharciga, isla markaana lagu qaadi doono, wixii uu ka qabo xeerka saxaafadda ee dowladda KMg ah soo saartay 2007-dii, taas oo sida la sheegay sababi karta in ay waayaan hay’adahaasi warfaafineed ruqsadda shaqadooda.

SomaliSwiss Monitoring Desk
SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: