Advertisements

Ciidamo ka socda dalka Sierra Leon oo soo gaaray qeybo kamid ah xuduudaha Ethiopia & Somalia.

Halkaan ka akhri

Cutubyo ka tirsan ciidamada dalka Sierra Leon ayaa soo gaaray qeybo ka mid ah gobollada Koofur Galbeed ee dalka Soomaaliya, gaar ahaan tuulooyin ku yaalla xuduudaha Soomaaliya ay la wadaagto dalka Ethiopia, kuwaas oo dhowaan soo gaaray dalka Ethiopia, isla markaana usoo gudbi doona gobola kamid ah dalka Soomaaliya.

Ciidamadaas ka Socda dalka Sierra Leon oo ay wehliyaan ciidamo kale oo ka socda dalka Uganda ayaa la xaqiijiyey in ay maalmihii la soo dhaafay soo buuxinayeen Dooloow, Buulo Xaawo iyo deegaanno kale oo ka tirsan Jubooyinka, Gedo iyo Hiiraan, kuwaas oo la sheegay in ay ku jiraan is diyaar gareyn iyo xeelado  kale isla markaana qaadanayaan casharro xeelado dagaal ah oo ku saabsan sidii ay ula dagaallami lahaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Saraakiil ciidan oo ka tirsan Amisom iyo dowladda KMG ah ayaa xaqiijiyey in Ciidamada Sierra Leonean ay todobaadkaan oo dhan ku soo degayeen qeybo ka tirsan meelaha ay xuduudaha ka leeyihiin dalka Ethiopia iyo Soomaaliya gaar ahaan deegaano ka tirsan gobollada Gedo, Jubooyinka iyo Hiiraan, iyagoo xusay in saldhigyadooda hadda ugu wayn ay yihiin Dooloow iyo Buulo Xaawo oo ay kula sugan yihiin ciidamo kale oo dowladda Soomaaliya loo soo tababaray, kuwaas oo sida saraakiishu sheegtay qorshahoodu yahay in ay u sii tilaabsadaan gobolka Jubada dhexe, isla markaana talis xoogan ka samaystaan magaalada Baardheere.

Waxaa sidoo kale jira warar laga helayo dadka deegaanka oo sheegaya in ay jiraan ciidamo kale oo Sierra Leon ah oo ku sugan xuduudaha dalka Ethiopia la wadaago gobolka Hiiraan, kuwaas oo lasheegay in ay ku jiraan diyaar garoow, ay ku soo galayaan gudaha dalka Soomaaliya, gaarahaan deegaannada xiga dhanka Bay.

Gobolka Hiiraan ayay hadda ku sugan yihiin ciidamo yar oo ka socda dalka Jabuuti, halka Gedo iyo Jubooyinkana ay ku sugan yihiin ciidamo ka socda dalalka Itoobiya iyo Kenya iyo ciidamo ay leedahay Soomaaliya oo wada socda.

Ciidamada Sierra Leon ayaa la sheegay in ay ku qoran yihiin laba Aag oo kala duwan, inkastoo la sheegay in hadda qorshahooda koowaad uu yahay Jubada Gedo iyo Dhexe.

SomaliSwiss Addis Ababa

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: