Advertisements

Ciidamada Qaranka Soomaaliya oo maanta Al-Shabaab ka saaray Degmada Afgooye.

WARBIXIN FAAH FAAHSAN

Halkaan ka akhri

Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo maalmahaan waday hawlgallo ka baxsan magaalada Muqdisho ayaa maanta duhurnimadii waxay markii ugu horeysay gaareen degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ciidamada dowladdu.

Ciidamada dawladda iyo kuwa AMISOM oo xalay ku hoyday buundada Carbiska ayaa maanta barqadii gaaray markii ugu horeysay buundada Afgooye waxayna kadib isku faafiyeen xaafado ka tirsan degmada Afgooye.

Taliyaha guutada koowaad ee ciidamada dawlada Col. C/laahi Cali Caanood oo warbaahinta uga waramay hawlgalka saaka ayaa sheegay in ciidankooda lugta ah duhurnimadii maanta ay si buuxda gacanta ugu dhigeen degmada Afgooye iyadoo uusan ka hor imaan wax iska caabin ah.

Col. Caanood wuxuu intaa ku daray in ciidan kale oo ka tirsan dawlada Soomaaliya iyo AMISOM ay iyaguna u dhaqaaqeen dhanka waqooyi iyagoo ku sii jeeda degmada Balcad oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Sidoo kale, Goobjoogeyaal ku sugan Degmada Afgooye ayaa SomaliSwiss Media u sheegay in  ay magaalada ku arkayeen askar tuuteysan oo kuwa dawlada ah oo fariisimo ka dhigtay agagaarka Mukeyga iyo buundada dhexmarta degmada Afgooye, Waxaana illaa duhurkii la maqlayey rasaas teel teel ah oo ka dhacaysa dhanka beeraha degmada Afgooye.

Lama soo sheegin wax khasaare ah illaa iyo hadda oo soo gaarey dadka rayidka  ah, maadaama wax dagaal ah uusan ka dhicin magaaladaas.

Xoogaga Al-Shabaab ayaa xalay magaalada uga baxay dhanka degmada Marka iyadoo tiro aan badneyn oo kale ay u dhaqaaqeen dhanka Wanlaweyn iyo Warmaxan oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose, sida ay xaqiijiyeen dad deegaanka ah.

Qaabkii ay ciidammada dowladda ula wareegeen deegaannada loo barakacay iyo degmada Afgooye ayaa u muuqday mid qorsheysan iyadoo dhowr jiho uu ka socday weerarkaasi oo ay hadda wararka dheeraadka ahi sheegayaan in ciidammada dowladdu hadda ay qorsheynayaan in ay usii dhaqaaqeen magaalooyin ay ka mid tahay Marka.

Howlgalka ayaa saakay arroortii ka billoowday deegaanka Siinka-dheer oo dhowr km jira deegaanka Ceelasha Biyaha, waxaana holwgalka uu u socday qaab qorsheysan, iyadoo ciidammada dowladda iyo kuwa AMISOM ay jihooyin badan isu qeybiyeen si ay u go’doomiyeen Al-Qaacidda.

Ciidammad howlgallada waday waxaa kala hoggaaminayey taliyaha ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed S/guud C/qaadir Sheekh Cali Diini oo ka soo dhaqaaqay waddada Siinka dheer iyo abaan duullaha ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed General C/kariin Yuusuf Aadan “Dhagabadan” oo isna ka soo dhaqaaqay dhanka Lafoole, waxaana halkaasi ku go’doomay malleeshiyaad badan oo Shabaab ka tirsan.

Taliyayaasha Xoogga dalka ee kala hoggaaminayay ciidammada ayaa shacabka deegaannada loo barakacay ku sugan u  ballan qaaday in ay si xoriyad ah ku noolaan doonaan maanta iyo wixi ka dambeeya Bi’idnilaahi kariim, iyagoo sheegay in qalabka ay u qaateen bad baadinta umaddooda.

Intii uu  howlgalku socday ciidammada dowladda iyo kuwa AMISOM wax ay ahaayeen kuwa si aad ah u feegjigan, isla markaana si xeeladeysan uga gudbayey dhulka howdka ah ee lagu baacsanayey Al-Qaacidda.

Wariyayaasha gudaha iyo dibadda ee la socda ciidamada dowladda oo illaa hadda ku sugan goobaha ay ciidammada howlgallada ka wadaan ayaa sheegaya in ciidammada dowladda aysan jirin wax khasaaro ah oo ka soo gaaray howlgallada socda, balse dhinaca malleeshiyaadka Al-Shabaab ee Al-Qaacidda looga dilay ilaa 15 qofood

Dhanka kale waxaa weli xiran wadada dheer ee xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye kadib markii shalay saraakiisha ciidamada DKMG ah ku dhawaaqeen in dhaq dhaqaaqa wadadaasi si ku meel gaar ah ay u hakiyeen, wixii warar ka soo kordha kala soco SomaliSwiss.

SomaliSwiss Afgooye

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: