Ahlu Sunna oo maanta dooratay gudoomiyaha guud ee golayaasha fulinta, marjaca iyo talada.

Halkaan ka akhri

Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa maanta doortay guddoomiyaha guud ee golayaasha fulinta, marjaca iyo talada, kaas oo noqon doona Sheekh Ibraahim Sheekh Xasan Gurey.

Guddoomiyaha cusub ayaa lagu doortay shir  guddiga talada ee Ahlu Sunna maalmahaan ku lahaa deegaanka Guriceel ee gobolka Galgaduud oo maanta la soo gabagabeeyay, kaas oo ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka kala socotay guddiyada fulinta iyo majaca.

Sida uu ku soo warramayo, weriyaha SomaliSwiss ee goobtaas ku sugan, Sheekh Ibraahim Sheekh Xasan Gurey ayey u codeeyeen 26 xubnood oo ka tirsan guddiga talada, iyadoo uu ka aamusay hal xubin.

Guddoomiyaha cusub ayaa ciidamada Ahlu Sunna ee gobollada dhexe u ballan-qaaday mushaar toos ah inay qaadan doonaan wixii hadda ka dambeeya, wuxuuna xaqiijiyay inay sii socon doonaan howl gallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Guddoomiyaha guddiga fulinta ee maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca, Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow ayaa soo dhoweeyay guddoomiyaha cusub, isagoo u rajeeyay inuu ku shaqeyn doono shuruucda u degsan maamulka.

SomaliSwiss Guriceel

SomaliSwiss@hotmail.com

 

%d bloggers like this: