Advertisements

Wariye Axmed Cadoow Canshuur oo goor dhow lagu dilay xaafadda Madiina ee magaalada Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Waxaa goordhow kooxo hubeysan ay dil ugu geysteen degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir wariye ka tirsanaa Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho.

Allaha u naxariistee Wariye Axmed Cadoow Canshuur oo ka mid ahaa Barnaamij soo saareyaasha Idaacadda Shabelle ayaa waxaa toogasho ku dilay kooxo bistoolado ku hubeysan xili uu ku sugnaa xaafada Suuq Boocle degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho.

Masā€™uuliyiin iyo howlwadeeno ka tirsan Idaacadda Shabelle oo aynu la xiriirnay ayaa xaqiijiyey geerida Wariye Axmed Cadoow Canshuur.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka degmada Dharkenley iyo Taliska Ciidammada Booliiska Saldhig Galbeed oo la xiriira dilka wariyahan.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: