Advertisements

Shirkii Caadiga ahaa ee Golaha Wasiirada oo maanta looga hadlay Heshiiskii Addis Ababa ee Madaxda Soomaalida iyo Howlgalka Ciidamada Dowladda.

Halkaan ka akhri

Waxaa magaalada Muqdisho maanta ka dhacay Shirkii caadiga ahaa ee Golaha Wasiirada oo uu shir-guddoominayey Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ahna Wasiirka Ganacsigga & Warshadaha Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Heshiiskii Addis Ababa ee Madaxda Soomaalida, Howlgalka Ciidamada Dowladda ee ku wajahan Afgooye, arrimaha amniga, Shirkadda Hormuud iyo arimo kale.

Ugu horeyntii Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka warbixiyey Shirkii Madaxda Soomaalida ee xalay ku soo gabogaboobay magaalada Addis Ababa oo go’aanno muhiim ah oo waqtiyeysan ay Madaxda Soomaalida isla gaareen si loo dhameystiro qorshaha Roadmap-ka oo la dhameystiro xilliga KMG ah 20ka August 2012. Golaha Wasiiradda ayaa si qoto dheer uga hadlay go’aanada iyo sida loogu baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo fuliyo.

Dood dheer ka dib, Golaha Wasiiraddu waxey soo dhoweeyeen go’aanaddaas dhaxalgalka ah ee Soomaalidu isku raaceen kana codsaday shacabka Soomaaliyeed inay taageeraan oo ay gacan buuxda ka geystaan sidii Soomaaliya looga saari lahaa marxaladdan adag. Wasiiru Dowlaha Dastuurka ayaa sheegay in Madax dhaqameedkii ay guda galeen howlahoodii soo xulinta Ergeda Ansixinta Dastuurka oo ay meel fiican mareyso.

Sidoo kale Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka siiyey Golaha Howlgallo militari oo maalmahan ka socday inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye oo ujeedadu aheyd sidii kooxaha nabad-diidka ah looga saari lahaa goobahaas si shacabku ay u helaan ammaan iyo kala danbeyn dhameystiran si ay hay’adaha gargaarka ah ugu gar-gaaraan shacabka.

Golahu waxey ku ammaaneen ciidanka XDS iyo AMISOM guulaha is-daba-jooga ah oo ay kooxaha nabad-diidka ah uga xorreynayaan dalka, Golahu waxey kaloo ku ammaaneen ciidanka sida loo bad-baadiyey shacabka oo looga baaqsaday in Ceelasha dagaalku ka dhaco oo kor labo meelood laga soo galay. Waxeyna Golahu ka codsadeen Hay’adaha Gar-gaarka in shacabka si deg-deg ah loola soo gaaro gurmad gar-gaar.

Wasiirka Gaadiidka Cirka, Dhulka, Badda iyo Degedaha ayaa ka warbixin ka bixiyay sababaha ay diyaarada Turkish Airlines uga soo dege weyda goroonka diyaaraha Muqdisho labadii Usbuuc ee la soo dhaafay sababtu ay u soo dege weyday waxey tahay cilad hawada iney jirtay wasaaraduna ku howlan tahay sidii xal loogu heli lahaa balse todobaadyada soo socdo ay soo degi doonto.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ayaa golaha siiyey warbixin la xiriirta baaritaan rasmi ah oo ay Hay’adaha amniga ku sameeyeen eedeyn Qaramada Midoobey u soo Jeedisay Shirkadda Hormuud 17kii Febraayo oo lagu eedeeyey arrimo Dhowr ah.

Wasiirku waxuu sheegay in baaris dhamesytiran oo lagu Sameeyey shirkadda isla markaana lala xiriiray hay’adaha Qaramada Midoobey, waddanka Djibouti iyo AMISOM in hay’adaha amniga ay soo Dhameystireen baaristooda oo uu Wasiirku sheegay in Shirkadda Hormuud lagu waayay wax danbi ah.

isla markaasna ay eedeymahaas ahaayeen kuwo aan sal iyo baar toona laheyn, Dood dheer ka dib Golaha Wasiiradu waxey si aqlabiyad ah u taageereen go’aanka Baaritaanka iyo warbixinta Wasiirka oo ahyed in baaq loo diro Qaramada Midoobey, beesha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed oo Ku wajahan in Shirkadda Hormuud aysan wax lug ah ku laheyn Eedeymahaas loo soo jeediyey.

Ugu danbeyntii golaha wasiiradu waxey tacsi u direen dowladda iyo shacabka Turkiga oo xalay nin Turki ah oo ganacsade ah lagu dilay suuqa bakaaraha. Hay’adaha amniga ayaa wada baaritaan arrinkan la xiriirta si loo oggaado sababta keentay dilka ama sababta ninkan uusan u soo wargelinin hay’adaha amniga joogistiisa suuqa bakaaraha.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: