Shirkii Addis Abeba uga socday madaxda Soomaaliya oo soo dhamaaday iyo qodobo laga soo saaray.

HOOS KA AKHRI QODOBADA HESHIISKA

Halkaan ka akhri

HALKAN KA DHAGEYSO HADALKA MADAXWEYNE SHARIIF IYO WAXA LAGU HESHIIYAY

HALKAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA WASIIRKA DASTUURKA

HALKAN KA DAAWO WARAAQIHII ORIGINAL-KA AHAA

Gelinkii dambe ee maanta ayaa waxaa magaalada Addis Abeba ee xarunta dalka Ethiopia waxaa lagu soo gebagebeeyey shirkii looga hadlayey dhameystirka Road-Map-ka iyadoo gebagebadii kulankana ay kasoo baxeen go’aanno dhowr ah.

Go’aannada ugu horeeya ee kasoo baxay shirka waxaa ka mid ah sameynta Road-Map cusub oo lagu shaqeynayo hada ilaa 20 August sanadkan 2012, waxaana Road-Mapkan cusub uu yahay mid lagu xoojinayo dhameystirka Qariidadii nabadda ee dalka looga saarayey KMG-ka.

  • In 26-ka May ay soo gebagebeeyaan howshooda dhexdhexaadinta gudi loo xilsaaray xalinta odayaal dhaqameedyada soo xulaya ergada ansixin doonta Dastuurka islamarkaana soo xuli doonta Baarlamaanka Cusub.
  • In 1-da June lasoo gebagebeeyo howlaha lagusoo xulayo gudiga Ansixinta Dastuurka iyo soo Xulida Baarlamaanka Cusub ee uu dalku yeelanayo.
  • In ugu dambeyn 20-ka bisha June la helo oo lasoo gudbiyo magacyadii ugu dambeeyey ee Golaha Ansixinta ayadoo loosoo gudbinayo gudiga Farsamada.
  • In 30-ka bisha June ay magaalada Muqdisho xaadir ku ahaadaan golaha Ansixinta.
  • In 2-da Jully ay si rasmi ah howshooda u bilaabaan gudiga Ansixinta iyo shirarkooda.
  • In 10-ka Jully la ansixiyo Dastuurka.
  • In 15-ka Jully gudiga loosoo gudbiyo ugu dambeyn magacyada xubnaha cusub ee Baarlamaanka soo geli doona.
  • In 20-ka Jully la dhaariyo Baarlamaanka Cusub.
  • In 04-ta bisha August 2012 la qabto doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeennadiisa.
  • In 20-ka August 2012 la qabto doorashada Madaxweynaha Dalka.
  • In Wadashaqeyn joogta ah ay yeeshaan saxiixayaasha Road-Map-ka ilaa inta lagasoo dhameystirayo howshan.

SomaliSwiss Addis Abeba

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: