Shirka madaxda Soomaalida uga socda magaalada Addis Ababa oo weli la isku mari la´yahay dhowr qodob oo la xiriira habka loo qorey Dastuurka.

Halkaan ka akhri

Wararka naga soo gaaraya magaalada Addis-ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa sheegayaa in Shirka madaxda Soomaalida ee halkaas uga socda oo weli isku mari la´yahay dhowr qodob oo la xiriira qorista dastuurka.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa inuu jiro muran ku saabsan qaabka loo xulayo ergooyinka ansixinta dastuurka iyo kuwa soo xulaya Baarlamaanka cusub.

Qodobbada la isku mari la’yahay ee dastuurka ayaa gaaraya in ka badan 35-qodob oo ay madaxdu ku kala aragti duwan yihiin.

 Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland doonaya in isbedel lagu sameeyo qodobbadaas halka mas’uuliyiinta kalena ay rabaan in markii la ansixiyo kaddib wax ka bedel lagu sameeyo.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Shirka oo lagu waday inuu shalay soo xirmo ayaa dib u dhacay ku yimaaday, waxaana lagu wado in maanta lasoo afjaro, balse soo gabgabeynta ayaa waxay ku xiran tahay hadba sida la isugu famo qodobbada lagu muransan yahay.

Sida la wada ogsoon yahay Puntland ayaa waxay horay uga biyo diidday qodobbada lagu muransan yahay, waxayna qaarkood ku tilmaameen inay yihiin kuwo awoodda inteeda badan siinaya dowladda dhexe, sidoo kalena aan ku dhisnayn hab federaali ah.

Balse waxaa muran ka taagan yahay qaabka lagu soo xulayo ergooyinka ansixinta dastuurka iyo kuwa soo xulaya xubnaha baarlamaanka, waxaana tani ay sidoo kale caqabad ku noqotay in shirka lagu soo gabgabeeyo labadii casho ee uu ku talogalku ahaa in lagu soo gabgabeeyo.

Sidoo kae lama huba in shirka uu maanta oo Arbaco ah soo xirmi doono iyo in kale, iyadoo ay xalay xilli dambe ku gaareen madaxda Soomaalida ka doodista arrimaha ay aadka ugu kala fikirka duwan yihiiin.

Dhanka kale Safiirka Soomaalida u fadhiya dalka Itoobiya, Siciid Yuusuf Nuur ayaa horay ugu sheegay saxaafadda in shirka loogu tala-galay inuu laba casho socdo, balse uu ka badan karo, wuxuuna sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo in dhinacyadu is-faham uu dhexmaro.

SomaliSwiss     Addis Abeba

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: