Wakiilka Britain ee arrimaha Soomaaliya oo sheegay in Beesha Caalamka ay 11 milyan Dolar ku bixinayso Soomaaliya si ay uga baxdo KMG-ka.

Halkaan ka akhri

Wakiilka Dowladda Britain ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in beesha caalamka ay ku bixibneyso 11 million oo Dollar, si Soomaaliya uga baxi lahayd dowladda KMG ah, loogana baahan yahay lafulinta howshaas.

Sidoo kale Wakiilka dowladda Britain u qaabuilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Bark Bow ayaa sheegay in beesha caalamka ay diyaar u tahay bixinta ballan qaadyadii ay u sameysay in ay ku bixineyso Horumarrinta Soomaaliya, isla markaana la qaadayo tallaaba walba oo Soomaaliya KMG looga saari karo.

Mr Bark Bow wuxuu tilmaamay in beesha caalamka ay u heellan tahay bixin lacag dhan 11 million oo Dollar, si Soomaaliya ay u gaarto dowlad dhab ah oo aan KMG ahayn, waxa uu intaa raaciyay in ay la socdaan dadaallada Soomaaliya ka socda.

Dhanka kale Mr. Bark Bowoo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “waa mid aan dhiiragalineyno dardar galinta Dastuurka, odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee uu Muqdisho shirka uga socda waxaan uga mahad celineynaa tallaabada geysinimada leh ee ay qaadeen, dowladda Ingariiska wax ay bixin doonaan 1.0, million oo ka mid ah lacagta ay beesha caalamka bixineso”.

Si kasta ha ahaatee waxaa arrinta keenta kadib markii Dhawaan Xukuumadda Soomaaliya ay sheegtay in beesha caalamka ay ka gaabisay fulinta ballan qaadyadii ay dowladda u sameysay ee ku aadana dardar galinta dadaallada kharaadkii lagu xoojin lahaa, balse looga fadhiyo in sida ugu dhaqsiyaha badan jawaab uga bixiso.

SomaliSwiss   London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: