Advertisements

Malleeshiyo ka tirsaneyd kooxda Al-Shabaab oo isu soo dhiibay ciidammada dowladda & kuwa ASWJ.

Halkaan ka akhri

Malleeshiyo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab oo gaaraya ilaa 50 ayaa Saakay barqadii isu soo dhiibay ciidammada Xoogga Soomaaliya iyo ASWJ, kuwaasi oo siyaabo kala duwan uga soo goostay Xarakada Al-Shabaab ee  gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.

Taliyaha howlgallada Ciidamada Ahlusuna waljameeca ee degmada Ceelbuur Cabdi Xasan Maxamed, ayaa u xaqiijiyay Warbaahinta in malleeshiyaad badan oo Shabaabka ka tirsan in ay isu soo dhiibeen ciidammada Dowladda ee ku kala sugan gobollada Hiiraan iyo Galgaduud, isagoo sheegay in raggaasi ay muddo dheer xiriir la soo sameynayeen Saraakiisha Dowladda .

Sidoo kale Taliye Cabdi Xasan wuxuu sheegay in malleeshiyaadka ay ka soo goostay Xarakada AlShabaab ay gaaraan illaa 50qof, isla markaana ay wateen gaari nooca ah PG, haddana ay ku kala sugan yihiin Hiiraan iyo Galgaduud.

Dhinaca kale saraakiisha ciidammada dowladda ee gobolka Hiiraan ayaa dhankooda sheegay in ragga Shabaab ka soo goostay in ay ku sugan yihiin degaannada ay gacanta ku hayaan ciidammada dowladda ee Gobolka Hiiraan

SomaliSwiss  Baladweyne

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: