Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo la wareegay wadada isku xirta Afgooye iyo Balcad.

Halkaan ka akhri

Waxaa Waaberigii saakay ay Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM waxay weerar saf ballaaran ah ku qaadeen deegaanno isku xira Gobollada Sh/Hoose iyo Sh/Dhaxe ee ku yaalla  duleedka magaalada Muqdisho ayadoo howlgalkan uu qeyb ka ahaa qorshaha dalka looga xoreynayo Maleeshiyada Al-Shabaab.

Saraakiishii hogaamineysay Ciidammadii howlgalkan Sameysay ayaa waxay sheegeen in Weerarkan uu ahaa mid qoorsheysnaa, taaso loogu dan-lahaa sidii loo yareeyn lahaa qasaare soo gaara dadka shacabka ah ee ku nool deegaannada la xoreynayo, waxayna Ciidammadu weerarkooda ka soo qaadeen dhanka howdka degmada Deyniile ayadoo markaasina ay u suurta-gashay iney gacanta ku dhigaan deegaanno ay horey u joogeen Maleeshiyada Al-shabaab, ayadoo aan qasaare badani ka jirin.

Deegaannada ay Ciidammada u suurta gashay inay gacanta ku dhigaan Goobaha ay la wareegeen Ciidamadu waxaa ka mid ah Garasbaaleey,Siinka Dheer iyo kuwo kale oo ku dhow, waxaana weli howlgalku yahay mid socda.

General C/laahi Cali Caanood oo ah Taliyaha Gaaska Koowaad ee Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa wuxuu Maanta Wareysi siiyey warbaahinta Muqdisho, wuxuuna sheegay in Ciidamada Dowladda ay haatan ku sugan yihiin wadada Afgooye iyo Balcad iyo deegaanada Garasbaaleey iyo Siinka dheer ayna kusii siqayaan deegaanno hor leh.

Sida uu sheegay General Caanood in Maleeshiyada Al-Shabaab ay iskaga baxeen goobihii ay horay ugu sugnayeen, balse dhan kale  Qaar ka mid ah weriyeyaasha warbaahinta Qaranka oo ku sugan jiida hore ee Dagaalka ayaa soo sheegay in ay arkeen afar ka mid ah meydadka Maleeshiyaadka Al-shabaab oo yaalay goobta deegaanka lagu dagaallamay.

Ugu dambeyntii General C/laahi Cali Caanood waxa uu ugu baaqay dadweynaha ku nool deegaannada hada laga xoreynayo gacanta Maleeshiyada Al-Qaeda ineysan u ogolaan firxadka kooxahaasi iney shacabka ku dhex dhuuntaan loogana baahan yahay shacabka inay Ciidammada garab istaagaan.

SomaliSwiss  Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: