Advertisements

Magaalada Muqdisho oo markii ugu horeysay lagu bilaabay in lagu xiro tiirar, Koronto (Solar) Ileyska ku shaqeynaya.

HOOS KA DAAWO VIDEO-ga

Halkaan ka akhri

 

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyey, in Magaalada Muqdisho ay heli doonto Koronto laga dhaliyey iftiinka Qorraxda, taas oo howsheeda iyo hirgelinteedaba faraha lagu hayo.

Maxmed Yuusuf Cismaan oo ah afhayeenka cusub ee maamulka G/Banaadir ayaa saxaafadda u sheegay in haatan magaalada lagu xirayo oo ay howsheedu socoto 50 Baalle ama Tiirar Koronto, kuwaas oo loogu tala galay Tijaabo ahaan, iyadoo intaas ka dibna, haddii lagu guuleysto Tijaabadaas si toos ah magaalada oo dhan loogu xiri doono, Koronto iftiinka qorraxda ku shaqeyneysa ama sollar ah.

Wuxuu sheegay in ay mashruucaan hirgelisay dowladda Norway oo uu xusay in ay ugu deeqday Mashruucaan, qeybtiisa tijaabada ah ee haatan lagu xirayo 50-ka tiir ama Baalle Koronto. HALKAAN KA DAAW

DAAWO MAAMULKA G/BANADIR OO KA HADLAYA TIIRARKA LA XIRAY.

[blip.tv http://blip.tv/play/h5NogvfgZQA width=”540″ height=”400″]

SomaliSwiss@hotmail.com


Advertisements
%d bloggers like this: