Advertisements

Al-Shabab oo Ceelasha biyaha ku soo bandhigtay Askari kasoo goostay ciidamada Ethiopia.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Galinkii dambe ee Shalay ayaa Masjid ku yaalla Ceelasha-biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho waxaa lagu soo bandhigay Askari la sheegay in uu kasoo goostay Ciidamada Ethiopia ee ku sugan gobolada Bay iyo Bakool.

Askarigan ayaa watay Qoriga nuuca loo yaqaano Sham-Shuterka, waxaana la sheegay in uu ka mid ahaa ciidamadii ka dagaalamayay gobolka Bakool, iyadoo Saraakiisha Shabaabka ay sheegeen in uu ka yimid dhinaca iyo deegaanka Yurkud oo uu dagaal ku dhexmaray Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Kooxda Al-Shabaab ee gobolka Banaadir Sheikh Maxamed Xasan Cumar (Abuu C/raxmaan) ayaa sheegay in Askarigaani uu kasoo goostay Ethiopia islamarkaana maanta wixii ka dambeeya uu qaatay Diinta Islaamka, isagoo halkaasi gacanta ugu galiyay Kitaabka Quraanka Kariimka, kadibna sheegay in magacii laga badalay, loona bixiyay Cabdalla.

Wax war ah kama soo bixin Saraakiisha Ciidamada Ethiopia oo ku aaddan askarigaani la sheegay inuu kasoo goostay Ethiopia islamarkaana isku soo dhiibay Al-Shabaab, hase ahaatee Ciidamada Ethiopia iyo Al-Shabaab ayaan ka dhagaxeyn wada hadal marka laga reebo xabad.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: