Mahiga oo maamulka Somaliland ka dalbaday in ay ka noqdaan xukunkii maxkamadeed ee lagu fuliyey dadkii rayidka ahaa.

.

Halkaan ka akhri

Wakiilka gaar ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya danjire Augustine Mahiga ayaa cambaareeyay dhacdadii dhawaan ka dhacday magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Soomaaliland ee dhex maray ciidamada amaanka maamulkaasi iyo dad shacab ah.

Xafiiska danjire Mahiga ee magaalada Nairobi ayaa waxaa ka soo baxay qoraal War-saxaafadeed oo loogu hadlayo dhacdadaas, waxaana warsaxaafadeedkaas lagu sheega  in Q,M ay aad uga walaacsan tahay arrintii ka dhacay magaalada Hargeysa iyo waliba khasaaraha ka dhashay ee soo gaaray dadkii shacabka ahaa iyo ciidamadii ku dagaalamay magaalada Hargeysa .

Sidoo kale  Mr. Mahiga waxaa uu warkiisa ku sheegay inuu ka walaacsan yahay go’aanka ay maxkamada ciidamada ku gaartay in xukun dil ah lagu rido 17 ruux oo Soomaali ah kuwaasoo lagu eedeeyay inay weerar ku qaadeen xero ciidan oo magaalada Hargeysa ku taala, wuxuuna  ugu baaqay madaxda Maamulka Soomaaliland inay ka laabtaan xukunka dilka ah ee maxkamadu ku riday dadkaas.

War-saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska Q,M ee arrimaha Soomaaliya ee UNPOS ee Augustine Mahiga madaxda ka yahay ayaa waxaa lagu Yiri: “Waxaan ka naxsanahay sida ay wax u dhaceen iyo khasaraha nafeed ee dhashay waxaan sidoo kale ka walaacsan nahay xukunka dadka rayidka ah maxkamadu ku riday”

Si kasta ha u dhacdee arrintu Soomaaliland ayaa horay u sheegatay inay Soomaaliya inteeda kala ka go’day ayaa waxayna ka mid tahay meelaha nabdoon marka loo eego dhulka Soomaaliya.

SomaliSwiss     Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: