R/wasaaraha KMG Soomaaliya iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo u Ambabaxay dalka Ethiopia

Halkaan ka akhri

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka dhoofay garoonka Aadan-cadde International ee magaalada Muqdisho isagoo ku sii jeeda magaalada Adis Ababa ee dalka Ethiopia.

Wafdiga uu horkacayay Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya,Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya.

Sida wararka ay sheegayaan Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ee ay ku aadayaan Magaalada Adis Ababa ee dalka ayaa la xiriira Codsi ka soo yeeray Maamul Goboleedka Puntland, toosoo la xiiriirta inay Shir isugu imaadaan Saxiixayaashii Roadmap-ka oo lagaga hadlayo dhaliilo ay qabaan qaar ka mid ah Saxiixayaasha go`aanadii ka so baxay Garoowe 1 iyo Garoowe2.

R/wasaare C/weli oo u hadlayey Warbaahinta wuxuu yiri: “Socdaalkeena Waxa uu ku saabsan yahay shir aan kaga qeyb galeeno magaalada Adis Ababa Saxiixayaashii Roadmap-ka, Waxaana ku kulmeenaa Soomaalida iyo Bulshada Caalamka”.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in Shirka Adis Ababa ee dalka Ethiopia ay soo qaban qaabisay Xafiiska Siyaasadda ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee UNPO Somalia, islamarkaana lagaga arrinsanayo sidii loo dhameystiri lahaa Barnaamijkii Roadmap-ka ayna tahay in la isku yimaado oo laga arrinsado hor u sii socodsiinta howlihii Roadmap-ka waxii hormar laga sameeyayna laga wada hadlo wixii dhiman sidii loo dhameystiri lahaa.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaare C/weli Gaas wuxuu xusay in madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya uu isna ka soo qeybgeli doono shirka maadaama uu ka mid ahaa Saxiixayaashii Roadmap-ka Iyadoona ay Maamuladda Galmudug iyo Puntland ka soo qeyb galayaan.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: