Ra’isal Wasaaraha Turkiga oo fariin hanjabaad ah u diray dowladda KMG Soomaaliya, kadib dhacdadii diyaaradda Turkish Airlines.

Halkaan ka akhri

Falalkii shirqoolka huwanaa ee lagula kacay diyaarada Turkish Airlines ayaa dacwadoodu gaartay xafiiska Ra’isal Wasaraha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, waxaana lasoo sheegayaa in dareenka Ra’isal Wasare Erdogan uu aad u kacay, ayna wajigisa ka muuqatay carro iyo kuleyl uu ka qaaday warka soo gaaray. Ra’isal Wasaraha ayaa isla markiiba lasoo xiriiray safaaradiisa Muqdisho wuxuna usoo faray dowladda Soomaaliya fariin kala dooran galineysa in si shuruud la’aan ah loo joojiyo daandaansiga lagu hayo diyaaradda Turkish Airlines haddii kale ay dowladda Turkigu la bixi doonto dhamaan shaqaalaheeda iyo hay’adaheeda ka howl gala magaalada Muqdisho, isla markaana ay hakin doonto qorshaha isbuucaan loogu qaadayo magaalada Istanbul 135-ta oday ee ku shirsan Muqdisho.

Safiirka Turkiga u fadhiya Muqdisho ayaa isla markiiba u yeeray Ra’isal Wasaare Gaas maadaama uu safar dibada ah ku maqnaa madaxweyne Shariif waxaana la arkayay maalmahaan wadada hormarta safaarada Turkiga oo ay xireen ciidamada AMISOM ee ilaaliya Ra’isal Wasaare Gaas, intii uu shirka kula jiray safiirka Turkiga. Safiirka Turkiga ayaa soo gudbiyay warqad qoraal ah oo faahfaahinaysa sida ay rabaan in loola dhaqmo diyaaradooda iyo shaqaalahooda iyo cawaaqibka ka dhalan kara haddii aan la fulin dalabkaas.

Dowladda KMG ah oo u muuqata mid aysan ka dhaxeyn wadashaqeyn dowladnimo ayaa is barbar dhigtay faa’idada ay ku qabaan dowladda Turkiga iyo qasaaraha ka dhalan kara hanjabaada Ra’isal Wasaare Erdogan waxayna raali galin ka bixiyeen falkii isbuucii lasoo dhaafay ka dhacay garoonka Aadan Cadde waxayna balan qaadeen inuusan mar dambe dhici doonin ficil kaas la mid ah.

Dowladda Turkiga ayaa balan qaaday in Arbacada soo socota ay soo diri doonto diyaarad ka weyn midii horay u imaan jirtay oo qaadi doonta dhamaan dadkii baaqday iyo wafdiga odayaasha dhaqanka oo la filayo in toban maalmood lagu soo hayo magaalada Istanbul.

Si kasta ha ahaatee waxaan la isku haleyn karin balanqaadka dowladda KMG Soomaaliya, maadaama uu dhaqankeedu yahay Jaanta-Rogan oo qof walba uu siduu doono u maamulo goobta uu joogo iyadoo aysan jirin kala dambeyn iyo wadashaqeyn ka dhaxeysa hay’adaha dowladda.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: