Meles Zenawi oo ku guuleystay Siyaasadiisa dahsoon ee ahayd in Soomaaliya ka hana qaadin dowlad Midnimo Qaran. !!!!

Halkaan ka akhri

Wararka naga gaaraya magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in caasimadda dalka Ethiopia ay ku sugan yihiin wufuud la sheegay in ay ka qeyb galayaan shir looga hadlayo waxyaabihii ka hirgalay Road Map-ka, waxaana la filayaa in maanta halkaasi ay soo gaaraan wefdi uu hoggaaminayo madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed..

War uu soo saaray Safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia Ambassador Saciid Yuusuf Nuur ayaa sheegaya in magaalada Addis Ababa ay ku sii qul qulayaan wufuudda ka qeyb galeysa shirka looga hadlayo qariidada Tubta Nabadda Soomaaliya (Road Map), Shirkaasi oo maalinta berrito ah furmi doono.

Ambassador Saciid Yuusuf  ayaa sheegay in shirka ay soo qaban qaabisay Midowga Afrirka, waxaana ka soo qeyn galaya saxiixayaasha Road Map-ka, sida dowladda KMG Soomaaliya, maamullada Puntland, Galmudug iyo ASWJ, Qaramada Midoobay, IGAD iyo qaar ka mid ah dalalka danneeya arrimaha Soomaaliya.

Sida aannu  ku helnay warar Diblomaasiyadeed qabashada shirkan waxaa codsaday Guddoomiyaha Dowlada Goboleedka Puntland C/raxmaan Faroole, balse waxaa la hubaa in qaska Soomaaliya ka socda ay ku lug-leedahay dowladda Ethiopia.

SomaliSwiss     Addis Ababa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: