Dowladda Turkiga oo Injineero usoo dirtay Muqdisho, si ay u qiimeeyaan sidii ay isku dhismo uga dhigi lahaayeen magaalada Istanbul.

Halkaan ka akhri

Afhayeenka cusub ee Maamulka gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa ka warbixiyay wafdi ka socda magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga oo soo gaaray caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Afhayeenka waxaa uu sheegay in markii ay Muqdisho yimaadeen wufuudan heerka caalami ah ay kulan la qaateen guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho, isla markaana ka wada hadleen sidii Muqdisho dib u-dhis loogu samayn lahaa iyo sidii loo midayn lahaa magaalooyinka Muqdisho iyo Istanbuul.

Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa sidoo kale sheegay in wafuudan ka timid dalka Turkiga ee injineerada ah lagu soo wareejiyay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir waxaa uu intaasi ku daray in injineerada ka yimid dalka Turkiga ay la kulmeen injineerada gobolka Banaadir, isla markaana ay kormeereen dhismooyinka magaalada Muqdisho iyo dhulalka waaweyn ee Bannaan.

Maamulka Gobolka Banaadir ee uu guddoomiyaha ka yahay Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa dadaal dheeri ah wuxuu ugu jiraa dib u dhiska iyo soo celinta bilicdii ay lahayd magaalada Muqdisho iyadoo hadda maamulka gobolka Banaadir uu ku howlan yahay dayactirka wadooyinka magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: