Advertisements

Wiil dhalinyaro ah oo asal ahaa kasoo jeeda wadanka Maroko oo ka tagay dalka Switzerland oo lagu xiray Kenya iyo muran arinkaasi kataagan.

Halkaan ka akhri

Saxaafada dalka Switzerland ayaa shaacisay in wiil dhalinyaro  19 jir ah, asal ahaana kasoo jeeda wadanka Maroko oo ka tagay dalkan Switzerland gaar ahaan magalada  Biel Bienne ay qabteen Booliska xuduuda ee dalka Kenya, iyagoo ku tuhunsan in uu ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ee  dagaalada ka wada dalka Soomaaliya.

HALKAN KA AKHRI ISAGOO ENGLISH AH Swiss student Terror suspect arrested in Kenya.

Wiilkan dhalinyarada ah oo magiciisa lagu soo gaabiyay Majd N. ayaa diiday arintaasi lagu eedeeyay, mar uu khadka taleefanka kula soo xiriiray  wargesyka BLICK ee kasoo baxa dalkan Swiss-ka, kuna soo baxa Afka Jarmalka, isla markaana waxaa uu sheegay mar ay lasoo xiriireen walidiintiisa in uu maqlay in saxaafada lagu soo qoray in uu galay Argagixisada Soomaaliya, balse isaga uu halkaasi u aaday dalxiis, waxa lagu sheegayana uu kamadax bannaan yahay.

Majd N. waxaa uu sheegay in ay afduubteen kooxda Al-Shabaab, una xirnaa in mudo ah, qol mugdi ahna uu ku xirnaa, hadana uu doonayo in uu kusoo laabto dalkiisa Switzeralnd.

Waaxda socdaalka dalkan Switzerland ayaa cadeysay wiilkan in uu heysto sharciga Niederlassung ee (C) kana soo jeedo dalka Maroko.

Dhinaca kale saxaafada Soomaalida qaarkeed ayaa maanta qortay in uu jiro nin kasoo jeeda wadanka Maroco uu lacag kasoo xaday shirkadda waaxda duulimaadka garoonka Muqdisho ee SKA, laguna xiray dalka Kenya,  balse lama oga in ay isleeyihiin labada nin iyo in kale.

SomaliSwiss Zurich

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: