Advertisements

Ninkii Qasnajiga Guud u ahaa Shirkada gacanta ku haysa garoonka Muqdisho ee SKA oo gacanta lagu dhigay.

Halkaan ka akhri

Warar naga soo gaaray wadanka Kenya ayaa sheegaya in gacanta lagu dhigay Qasnajigii guud ee Shirkada Maamusha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ee SKA, kaasi sida lasheegay la goostay lacago gaaraya kumannaan-kun oo Dollar.

Wararka ayaa sheegaya in Ninkaasi Gacanta lagu dhigay xilli uu kasoo degay Garoon ku yaalla Magaalada Wajeer ee dalka Kenya, inkastoo markii la qabtay ninkaasi kadib laga waayay wax lacag ah oo uu markaasi waday, balse ciidamada Kenya ay weli baaritaano ku wadaan.

Xiriir ay sameeyeen Labada Waax ee qaabilsan Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Wadamada Soomaliya iyo Kenya, ayaa suurta galisay in gacanta lagu dhigo Ninkaan Dambiga tuuganimo lagu eedeynayo Xilli uu soo gaaray wadanka Kenya.

Shirakadda SKA oo fadhigeedu yahay isu taga Imaaraadka Carabta ayaa waxa ay ka shaqaysa Howlaha Dayactirka iyo qalabayta Garoonka magaalada Muqdisho,waxaana 10 Sano oo Qandaraasi ah ka haysataa Dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

SomaliSwiss Nairobi

SoomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: