Advertisements

Horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab oo ka Khudbeeyay Masjid ku yaala Suuqa Bakaaraha ee mag. Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Waxaa dorraad ka dhacay Masjidka Suuqa daawada ee Bakaaraha dhacdo ka yaabisay dadkii ku tukanayay halkaas, kadib markii uu Masaajidka soo galay Horjooge horay uga tirsanaan jiray ururka Al-Shabaab oo aad loo yaqaanay, isla markaana ka muuqatay haybad culumanimo, isagoo xirnaa dhar gaaban oo shanshada ugu jooga, isla markaana lahaa gar-dheer oo waafaqsan Sunada Nabiga SCW.

Ninkaan isaga ah waxaa uu watay ilaalo hubaysan oo qoryahooda la istaagay albaab walba oo masaajidka ka mid ah, wuxuuna la tukaday ninkaasi Jameecadii Salaada Duhur oo xiligaasi loo taagnaa.

Markii laga baxay salaada ayuu ninkaasi istaagay wuxuuna qabsaday makrafoonkii Imaamka, wuxuuna bilaabay khudboouin isugu jira, Waano, Taariikh hore, Hanjabaad iyo Fariin kama dambeys ah, waxaana ka mid ahaa hadaladiisa isagoo ku bilowday furfurashadii Nabi Max’ed SCW (Aayado iyo Axaadiis)

“Waxaan idin xasuusinayaa xaaladii nabad-galyo xumo ee Muqdisho ay ku jiri jirtay, iyo nabada maanta ka jirta. Nabadan si fudud laguma keenin, mana dhici doonto in si fudud lagu burburiyo nabada maanta ka jirta Muqdisho. Horaa naloo soo qalday, waan soo burburinay waxaan burburin karno, waana soo dilnay dad intaan dili karno, manhaj qaldan ayaa nalagu hogaamiyay, laakin maanta waan kasoo laabanay. Waxan u sheegayaa dhamaan intii ka tirsanaan jirtay Al-Shabaab ama taageersanaan jirtay kuligiin waan idin wada naqaan, waanan idinla soconaa meel walba oo aad Muqdisho ka joogtaan. Waxaan idiin soo jeedinaynaa talo iyo digniin kama dambeys ah, waxaan idiin furnay xafiis la idinka diiwaan galiyo. Qof walba oo la shaqeeyay Al-Shabaab ama taageersanaa waa inuu iska soo diiwaan galiyaa xafiiskaas, haddii kale wuu ka qoomameynayaa wixi qabsada ha dhow, Wa Bilaahi Towfiiq”

Ninkaan ayaa horay uga tirsanaan jiray Al-Shabaab hadana ka tirsan hay’adda Nabad Sugida Soomaaliyeed ee SNSA, oo hada wada qorshe looga sifeynayo Muqdisho xubnaha Al-Shabaab ka tirsan ama kasoo tirsanaan jiray.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: