Advertisements

Dowlada KMG Soomaaliya oo shaacisay magacyada Salaadiinta Puntland ee ku sugan Shirka Odayaasha Dhaqanka ee kasocda Muqdisho.

HOOS KA AKHRI MAGACYADA

Halkaan ka akhri

Wasaaradda dastuurka ee xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Odayaasha dhaqanka ee deegaanada Puntland ay ka qeybgalayaan shirka odayaasha dhaqanka ee ka socda Muqdisho, isla markaana aysan jirin wararka sheegaya in isimada Puntland ay ka maqan yihiin shirka, marka laga reebo Islaanka iyo Suldaanka Beesha Ciise Maxamuud oo uu ka soo jeedo Mr. Faroole.

Qoraal wasaaradda ay soo saartay ayaa lagu bayaamiyey magacyada Salaadiinta reer Puntland ee shirka Muqdisho ka qeybgalaya, kuwaasoo wasaaradu sheegtay inay si buuxda u metelaan dadweynaha Puntland.

Magacyada Odayaasha Dhaqanka ee Puntland Ee Muqdisho Ku sugan:-

1- Islaan Bashiir Islaan Cabdulle (Beelaha Mudug)
2- Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin (Beelaha Bari)
3- Beeldaaje Cali Faarax (Beelaha Bari)
4- Jaamac Beeldaaje C/laahi (Beelaha Bari)
5- Burhaan Boqor Muuse (Wakiilka boqor C/laahi Boqor Muuse)
6- Suldaan Subeyr Xaaji Maxamuud (Beelaha Mudug iyo Nugaal.

Sidoo kale waxaa si buuxda shirka uga qeybgalaya isimada Khaatumo State ee deegaanada Sool, Sanaag iyo Ceyn oo ay hogaaminayaan Garaad Saleebaan iyo Garaad Jaamac.

Dhanka kale Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday inuu Muqdisho u yimid sii xoojinta shirka oday dhaqameedka Soomaalida uga socda magaalada Muqdisho isagoo sheegay in isimada Puntland ay diyaar u yihiin raadinta wax kasta oo nabadda Soomaalida ku jirto.

Sidoo kale xafiiska raysul wasaaraha xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ka soo baxay waxaa aad loogu amaanay imaanshaha Islaan Bashiir iyo wafdigiisa ay yimaadeen Muqdisho taasoo lagu tilmaamay mid taariikhi ah.

Xafiiska Ra’isul wasaaruhu xaqiijiyey in isimada 135 xubnood dhamaantood toddobaadka dambe loo qaadi doono wadanka Turkiga halkaasoo shir muhim ah ay ku soo yeelan doonaan.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: