Wasiirka Warfaafinta oo Caddeeyey in la ansixin doonin Dastuurka iyadoo aan shacabka loo soo bandhiggin.

Halkaan ka akhri

Wasiirka Warfaafin, Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya mudane C/qaadir Xuseen Maxamed “Jahweyn ayaa Caddeeyey in Dastuurka aan la ansixin doonin iyadoo aan Shacabka Soomaaliyeed loo soo bandhiggin,

Sidoo kale Wasiirka Warfaafin, Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane C/qaadir Jahweyn ayaa Idaacadda Radio Muqdisho ka sheegay  xilli shirka odayaashii dhaqanka ee ansixin lahaa Dastuurka lagu soo xulayo ergada ku sugan Shirka Dhaqanka iyo odayaashii xuli lahaa xubnaha Barlamaanka uu meel gabagabo ah marayo, sidaas waxaa lagu dhawaaqay markii uu soo idlaaday shirka golaha wasiirrada.

Mudane C/qaadir Jahweyn wuxuu sheegay in golaha ay war bixinno ka dhageysteen guddiyadii loo xil saaray arrimaha Dastuurka, war bixinnadaasi kaddina la xaqiijiyay in shirka odayaasha dhaqanka in uu si wanaagsan u socda.

Dhanka kale wasiirka ayaa tilmaamay in shirka golaha looga hadlay sidii Todobaadka soo socda shacabka Soomaaliyeed loogu soo bandhiggi lahaa Dastuurka, maadaama shirka odayaasha dhaqanka uu meel gabgebo marayo, isagoo intaa raaciyay in la isku raacay in shacabka loo soo bandhiggo qabyo qoraalka Dastuurka.

Wasiirku wxuu carrabka ku dhuftay in si wadajir ah loo go’aamiyay in aan Dastuurka la ansixin iyadoo shacabka aan la hor keenin, maadaama ay u baahan yihiin Akhrinta Dastuurka, wasiirka ayaa intaa ku daray in tallada dalka ay gacanta ugu jirto shacabka Soomaaliyeed.

Si kasta ha ahaatee wasiirka Warfaafinta wuxuu ugu dambeyntii sheegay in talada shacabka ay lama maarmaan tahay, dowladda Soomaaliyeedna ay ka go’antahay sidii arrintaasi loo hir galin lahaa.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: